Xaaladda Xabsiga Mandheera iyo Kormeerka Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland oo booqday

Mandheera (SLpost)- Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay Xabsiga ugu weyn Somaliland oo ku yaala deegaanka Mandheera oo u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kaas oo isbeddel ballaadhan lagaga sameeyey dhinaca adeegyada maxaabiista ah.

Xabsiga Mandheera oo uu ku yaalo dugsi ay ka qalin-jabiyaan isla markaana lagu tababaro Ciidanka Booliska Somaliland isla markaana ay ku xidhan yihiin Maxaabiis kala duwan, waxa Taliyaha iyo saraakiisha kormeerkiisa ku wehelinayey ku soo dhaweeyey Taliyaha Xabsiga Gaashaanle Dhexe Xasan Maxamed Xaaji oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda xabsigu ku sugan yahay.

HALKAN KA DAAWO KORMEERKA TALIYAHA