Bujumbura, (SLpost)- Rasaas iyo duqeyn xoogan ayaa ka socota xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, waxaana hawada ka baxday idaacadii dawladda dalkaas.
Ciidamada daacadda u ah madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa la dagaalamaya taageerayaasha Jerneraal ciidamada ka tirsanaa oo isku dayay in uu afgembiyo madaxweynaha.
Madaarka magaalada Bujumbura oo xidhnaa ilaa shalay ayaa dib u furmay, iyadoo ay halkaas ka duushay diyaarad xamuul siday, garoonkan diyaaradaha oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha falaagada jeneraalka taageersan ayaa shalay arbacada dib u celiyay diyaarad siday madaxweyne Pierre Nkurunziza oo kasoo duulay dhinaca Tanzania.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunzinza, ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda.
Somalilandpost.net