Xaaladda Cunto Yari ee Somaliya oo sii Xumaatay

MUQDISHO(SLpost)-Natiijada qiimeyntii ugu dambeysay ee lagu sammeeyey Heerka Isku filnaanso ee Cuntada iyo Nafaqada Soomaaliya, oo maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, ayaa muujineysa in xaaladda bani aadannimo ee Somaliya ay weli tahay mid laga wel-welo.

Wabixin uu soo saaray xafiiska QM ee isku xidhka arrimaha bani aadanimo ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in marka lala bar-bardhigo lix bilood ka hor, ay tirada dadka wajahaya xasarado dhanka cunnada ah ama xaalad deg deg ah ee Soomaaliya, ay sare u kacday 17 boqolkiiba, ayada oo gaadhtay 855,000, halka markii hore ay ka ahayd 731,000.

Sidoo kale, tirada dadka ku sugan xaalad baahi cunto ah, ayaa weli ah 2.3 milyan oo qof. Horumar la’aantan ka jirta dhinaca cunada Soomaaliya, ayaa loo sababeynayaa ayada oo roobabkii Gu’a ay joogsadeen xilli hore, taasi oo keentay inuu yaraado wax soo saarkii beeraha.

16F78BDF-976D-42ED-9ECC-AEECAE8C576B_w640_r1_s

Guud ahaan 3.1 oo qof oo Soomaaliya ku sugan ayaa u baahan kaalmo bani aadannimo, sida uu sheegay xafiiska isku xiraha QM ee howlaha bani aadannimo ee Soomaaliya. “Heerka cunto iyo nafaqo yari ee Soomaaliya waa mid aad halis u ah. Dadka ka shaqeeya arrimaha bani aadannimada iyo deeq bixiyayaasha, ayaa ka hor tagay in arrintan ay kasii xumaato sida ay iminka tahay, balse waxaan u baahannahay in wax badan la qabto” waxaa sidaas yidhi isku xidhaha QM ee howlaha bani aadannimo ee Somalia Peter de Clercq.

Saddex meelood laba meel ama 68 boqolkiiba dadka wajahaya xasaradaha cunno yari ama xaalad deg deg ah, ayaa ah dad gudaha dalka ku barakacay. Waxaa gaar ahaan dadkaas ka mid ah kuwo wajahaya xad-gudubyo dhanka cunnada ah, waxaana xafiiska QM uu sheegayaa in cunno yariada ay mar walba dhaliso walaac dhanka bad-baadada ah, ayna hogaamiso arrimo ay ka mid yihiin caruurta oo la shaqaaleeyo, xad-gudubyada galmada oo sare u kaca, rabshado ku saleysan dhanka jinsiga iyo qoysaska oo kala hayaama.

QM waxa ay shaaca ka qaaday in qiyaastii 215,000 oo ah carruur Soomaaliyeed oo da’dooda ay ka hooseyso shan sano, ay nafaqo darri hayso, islamarkaana 40 kun oo kuwaas ka mid ah ay xaaladoodu mareyso heer ay halis ugu jiraan cuduro iyo dhimasho. Meelaha ay degan yihiin dadka barakacay, ayay warbixinta sheegeysaa in nafaqa darrida ay ka sareyo heerka xaaladda deg degga ah ee boqolkiiba 15.

Warbixinta ayaa ka digeysaa in xalaaddu ay kasii dari doonto dhammaadka sanadka, ayada oo sababtuna ay tahay wax soo saarka beeraha oo yar iyo roobabka oo aan si wanaagsan uga di’in meelaha qaar, iyo sidoo kale goobaha dagaalada ay ka jiraan oo aanay gaarin cunno ku filan.

Waxay Warbixinta dhinaca kalena ka digeysaa in cimilo kuleel badan oo soo wajahan ay sababi doonto inay fatahaan webiyada Jubba iyo Shabelle, islamarkaana daad ay ku rogmadaan qeybo ka mid ah gobollada Mudug, Galgaduud, Nugaal, halka abaartuna ay saameyn doonto gobol ka mid ah Somaliland. Tani waxa ay hogaamin doontaa, ayay tiri warbixinta, cudurro, dalaga beeraha oo khasaara, iyo inay sii xummaato xaaladda cunno iyo nafaqi yari ee iminka jirta.

Peter De Clercq, ayaa sheegay inay qasab tahay in lasii wado oo qarash badan lagu bixiyo sdii nolol badan loo bad-baadin lahaa, isaga oo carabka ku adkeeyey inaan la aqbali karin in dib looga laabto horumarkii la sammeeyey. Waxa uu ku baaqay in lasii adkeeyo guulihii la gaadgay.

Qiimeyntan lagu sammeeyey heerka cunada iyo nafaqada Soomaaliya, waxaa fuliyey Qeybta Qiimeynta cunnada iyo iyo nafaqada QM ee la yooqanaan FSNAU oo ay maamusho hay’adda Cunada iyo beeraha QM ee FAO.

Sanaddii 2011, ayaa Soomaaliya waxaa si darran u asiibay macluul. Wixii markaa ka dambeeyey xaaladdu way soo wanaagsanaatay, balse baahida gar-gaar bani aadannimo ayaa weli taagan, islamarkaana dad badan oo gaadhaya 3 milyan oo qof ayaa weli u baahan in gargaarku usii socdo. Qiyaatsii 1.1 Milyan oo qof oo dadkaas ka mid ah waa kuwo dalka gudihiisa ku barakacay.