XAALADA WADANKA SYRIA OO LAGU GUULDARAYSTAY

 

 

Syria waa wadan kuyaala Bariga dhexe ee carabta waana wadan taarikh fiican kuleh Islamka siiba dhica dhul ahaan oo waxaa la yidhaahda Shaam   wadankan Syria ayaaa waxaa ka dilaacay  Dagaal sokeeye oo lagu diidanyahay maamulka Bashaar Al- Asad waxaanu qalalaasahani bilaabmay sannadkii 2011 kii wakhtigaa oo loo bixiyay Gugii Carabta ama Arab spring  wadama badan oo uu ka dilaacay way dageen ama nidaamkii kala dambayntu wuu soo noqday Dalka Syria markiiba waxaa la taageeray dhaq dhaqaaqa kacdoonka wada ee wadanka gudo iyo dibad ba  ka jooga dhamaan waxaa taageeray wadamada reer galbeedka

Syria xaalado xun oo dagaal ayay gashay wakhtigaa  dhamaan dalalka khaliijka carabta ayaa fadhiyo iskugu yimi lagu ee gaayo xaalada wadanka markaa waxaa xubin nimadii Jaamcada carabta laga saaray Syria waxaana badalkeeda lagu soo daray golaha mucaaradka fadhiyo kale oo ururka jaamacad carabtu yeesheen waa laysku afgaran waayay sidii loo maamulilahaa syria intaa kabacdi Qaramada Madoobay ayaa fadhi aya yeesheen oo kusaabsan Syria waxaana ujeedkiisu ahaa in maamulka Bashaar Al-Asad meesha laga saaro lana taageero ururada la magic baxay Gayshu Xor Ama Ciidamada Xorta ah hubna la siiyo si Maamulka dawlada meesha looga  tuuro Laakiin fadhigaa Golaha amaanka waxaa codka Vito Power ama codka wayaxan ku diiiday dawlada Russia  sidaana waxaa ku burburay Fadhigii Golaha amaanku ay yeesheen

Intaa kabacdi dagaalkii Syria wajiyo badan ayuu yeeshay in la fahmaanaa way adkaatay dhamaan ama intooda badan Ha,adaha kuwooda xuquuqda insaanka u dooda waxay soo saareen in xasuuq ka dhacay wadanka Syria laakiin way adkaatay in labaadho arrimahaas dagaalkii Syria ee udhexeeyay dawlada iyo mucaaradka wuu balaadhay waxaana soo baxay kooxo diimeedyo sida Daacish iyo Qaar kale oo badan dawladii Syria ee dhamaan wadamada reer galbeedku dhaliili jireen cadaadiskii baa ka yaraaday maaddama ay ku doodeen inay ladagaalmayeen kooxo xagjira ilaa markii qalalaasuhu bilaabmay

Intaa wixii ka dambeeyay dagaalkii wuu sii kululaaday dad aad utiro badan ayaa ku dhintay Syria dagaalkiina wuu istaagi layahay lamahayo xal lagu soo dabaalo wadanka lamahayo xal waara ilaa iminka dalka Syria waaa dalka kaliya ee carab ah ilahada uu kajiro khilaafka ugu darani dhamaan dhulka carabta dalka Syria dad aad ubadan ayaa kabarcaya kuna dhintay laakiin warbixinaha lahayo ayaa lagu sheegay inay ilaa hada tirada ku dhimatay aya tahay 240000 qof

          XAALADA SYRIA EE IMINKA KA TAAGAN

Wadanka waxaa kabaracay dad lagu qiyaasay ilaa 11.6 milyan oo qof dadkan waxaa gudaha ku baracay ilaa 7.6 milyan oo qof 4 milyan oo qofna waxay ubarakeceen wadanka badadiisa sida ay sheegtay warbixin ay qortay BBC Qaybta English tu taas mid lamida waxaa qortay CCN In dad aad ubadani ay uqaxeen dalalka yurubta

      ADDUNYADA OO KU GUULDARAYSATAY QAXOOTIGA SYRIA

Tani waa warbixintii ugu dambaysay ee ay qortay BBC English iyo A-ARABIA iyo waliba dhamaan warbaahinta carabta iyo tan addunkuba in dad aad ubadina ay galayaan wadanka Germany ama Jarmalka waxay warbixinuhu qoreen in dadkani sida daad oo kale ugu qulqulayaan  wadamada yurubta oo waliba lagu illaway dadkii kale ee Africa ahaa dadka Syria waa dadka ugu badan ee ilaaha ku dhintay tahriibta ilaa dhawaanahan masiibadii ugu dambaysay ayaa ahayd in wiil yar oo 3 Sanno jir ahi ay xeebaha Turkey laga helay iyadoo ay badu soo Tuurtay waliba waxaa iyana kula dhimatay hooyadii Wiilka yar waxaana warkan baahisaya dhamaan warbaahinta caalamka laakin sida ay sheegtay CCN tu waraysi aya layeelatay Xildhibaan ka tirsan golaha Barlamanka CANADA oo isna soo xigtay gabadh u EDDO ah Wiilka yar ee dhintay inay sheegtay inay qaybta socdaalka CANADA ay diideen inay soo qaado wiilkan yar waxaanay soo dhigtay sawiro ah Wiilka yar intaanu dhinan Barta FACEBOOK GA Al-ARABIA ayaa iyana barta internetka ku qortay inay Dhabarjab ku tahay Bashaar Al-ASAAD iyo Caalamkaba xalaadaha Syria ayaad marka aad aragto aad uga naxaysaa  dhibaatada haysata dadka Syria ayaa waxaa haysta masiibo dhinaca dalkooda ah waana dalka hada ugu qaxoontiga badan ilaa hada, inta badan dadka qaxoootiga Syria uma xaqaan dalalka khaliijka carabta

Akhriste Sawir kartoon ah oo uu isticmaalay wargayska MECCA ayaa waxaa uu muujinaa xidhiidka ka dhexeeya khaliijka carabta iyo dalka Syria nin ka maquuda sawirka oo gashan dharka dhaqanka ee carabta ayaa tilmaamaaya inay dadka qaxootigu galaan yurub sida uu qoray wargayska maalin laha ah ee macca  kanasoo baxa saudia Arabia taasi waxay tilmaamaysaaa in aanay dan kalahayn dalalka carabtu dadka ay walaalaha yihiin ee Syria ee dhibaata bini,adanimo hayso taa badalkeedana intay xidheen xuduudahoodii ay isu dhaafinayaan dalalka Europe ama Yurubta hadaba sababtu waxay tahay  maxay dadka Syria ugu qaxi waayeen wadamada khaliijka carabta? Suashan ayaan iska fahmi karnaa akhrisye waxay tahay dhamaan dalalka khaliijku waxay ka soo horjeedaan laba arrin oo ah inay diidanyihiin Xukunka Madaxwayne Bashaar Al-asaad iyo takale oo ah inay leeyihiin waxaa ku soo dhuumanaaya ururo Argagixiso sida Daacish oo kale

Akhriste waxyaaba badan ayaa lagu soo bandhigay wargayska MACCA eek a soobaxa Sucuudiga kuwaas oo dhamaanba muu jinaaya sida wadamadan khaliij ku iskaga indha tireen dadka reer Syria waliba waxaa kimida sawirada qosolka leh in ay khliijku u dhigeen wado calanka Yurub yaalo oo ay u Tilmamayaan inay galaan halkaa Calanka Yurub yaalo

Isku soo wada duuboo xaalada wadanka Syria ayaanan maqaal iyo laba toona lagu soo koobi Karin akhristayaal waanaan soo koobay waxyaabihii ilaahada laga qoray

Xaalada qaxootiga Syria ayaa ah kuwa ugu daran ee dhibaatadu haysa ilaa iminka qaayo qaar bdan oo uu qaxay yurub mahaystaan wax dhaama meelaha ay ka yimaadeen qaar badan ayaa tacadiyo loo gaysta kadhan ah naftooda odhaan ahaan ayaa waxaan leeyahay allow ugargaaar dadkaa dhiban

Dhamaan warbixinahan waxaan ka soo xigtay dhinaca warbahinaha caalamka sida CNN AL-ARIBA BBC ENGLISH iyo waliba dhamaan inta kafaalootay xaalada dalka Syria oo ah meesha iminka looga baqaayo macaluul inay ka dhacdo……………………… wabilaahi Tawfiiq

Soo ururintii iyo soo Turjumidii

MAXAMED XAAMUD CALI

Xaamud_33@hotmail.com  SOMALILAND