Wufuud Ujeeddooyin kala duwan u socda oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (SLpost)- Maayarada Toban degmo oo ka mid ah dalka Somaliland ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, iyadoo maalinta beri uu shir uga furmayo magaaladaasi Ururka dawladaha Hoose ee wadanka. waxa kale oo iyana isku mar la soo wada dhaweeyay wefti kale oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

ceerigaabo_BanaanbaxSida uu ku soo warramay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan Saraaf, waxa weftiga Maayarrada si diiran ugu soo dhaweeyay Ceerigaabo shacbiweynaha, maamulka degmadda, Golaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Maayarrada oo uu hoggaaminayo Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxa xubno ka ah Maayarrada Magaalooyinka Saylac, Boorame, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh iyo Laascaanood.

Waxa kale  oo iyagana weftigan  Maayarrada weheliyay oo si wada jir ah loo soo dhaweeyay wefti Wasiirro ah oo u socda sidii ay bulshada gobolka ugu barraarujin lahaayeen sidii dhaqaale loogu ururin lahaa jidka Ceerigaabo. Waxa weftigan hoggaaminayay Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, waxaana xubno ka ah Wasiirul dawlaha Maaliyadda  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad ee KULMIYE Xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Talyanle.

Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo ku hadlayay magaca Maayarrada dalka ee socdaalka ku tagay Ceerigaabo ayaa sheegay inay shacbiga degmadda iyo guud ahaanba gobolka Sanaag uga mahad celinayaan sida diirran ee loogu soo dhaweeyay gobolka Sanaag, waxaanu ka warramay shir uu xusay in uu maalinta beri uga furmayo magaaladda Ceerigaabo oo ku saabsan sidii dawladdaha Hoose ee magaalooyinka dalku iskaga kaashan lahaayeen wax-qabadka adeegyadda bulshada iskuguna dhaafsan lahaayeen wixii waayo arragnimo ah ee ay is dheer yihiin.

Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu sheegay in weftigii uu Hoggaaminayay ay si weyn uga damqadeen dhibaatada dadweynaha gobolka Sanaag ka haysata jidka rafaadka badan, waxaanu balan qaaday in ururka dawladaha Hoose ee dalku ay kaalin ka qaadan doonaan hirgelinta jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo dhererkiisa lagu qadaray masaafo dhan 370 kilometer.

SOMALILANDPOST.NET