Woqooyiga Kuuriya oo Maraykanka ugu Hanjabtay Hub Nukliyeer ah oo ay Tijaabinayso

Pyongyang (SLpost)- Dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa dabooka ka qaaday inay tijaabaniyaan gantaalada xambaara Hubka Nukliyeerka ah oo ay ugu hanjabeen inay la beegsanayaan Maraykanka, taas oo cirka ku sii shareeraysa halista ay ku hayso waddan ay u yaaqaan cadowgooda koowaad.

Shaacinta warkan oo uu shalay ku dhawaaqay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga dalkaas, ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib qaraar markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isku raacay qaraar uu Maraykanku dabada ka riixayo, kaas oo lagu cambaareynayo, cuno-qabatayna lagu saarayo gantaallo tijaabo ah oo Woqooyi Kuuriya hawada sare ku tijaabisay Bishii December ee sannadkii hore, taas oo sida la sheegay meel-ka-dhac ku ah Shuruucda Qaramada Midoobay.

North Korea Nukliyeer“Lama gabbanayno xaqiiqada ka dambaysa Dayax-gacmeedyada kala duwan, gantaalaha riddada dheer ee aanu tijaabinayno iyo tijaabada hubka nukliyeerka ah, inuu bartilmaameedkoodu yahay Maraykanka,” sidaa waxa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Difaaca Dalka Woqooyiga Kuuriya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee KCNA.

Koonfurta Kuuriya iyo dalal kale oo dusha kala socda Xaaladaha Dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa aaminsan in WK farsamo ahaan diyaar u tahay inay mar saddexaad tijaabiyaan Hub Nukliyeer ah, waxaana la filayaa in go’aan tallaabada lagu qaadayo uu salka ku hayo amarka hoggaamiyaha dalkaas ee Kim Jong-un oo isagu ka dambeeyey go’aankii bishii December ee sannadkii hore lagu tijaabiyey gantaalihii lagaga soo horjeeday cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Dal-weynaha Shiinaha oo ah dalka ugu muhiimsan ee cilaaqaadka leh Woqooyiga Kuuriya, ayaa taageeray qaraarka Golaha Ammaanka ee Maraykanku dabada ka riixayo, waxaanu hore u taageeray qaraaradii QM ee 2006 iyo 2009 oo ahayd labadii jeer ee xukuumadda Pyongyang hore u tijaabisay hubkeeda Nukliyeerka.

Dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa la qiyaasaa inuu haysto madaxyada Hubka Nukliyeerka ee ku gaashaaman wejiga koowaad ee Horumarinta Hubkaas ee Macdanta Plutonium, waxaana warar sirdoonku helayaan sheegayaan inay ku gudo-jirto tayaynta Macdanta Uranium si ay ugu sii horumariso hubkeeda Nukliyeerka tallaabada ugu dambaysa, waxaana la filayaa inay sannadka 2016 yeelan doonan inta u dhaxaysa 21-32 madaxda Xambaara Hubka Nukliyeerka ee ku tayaysan Macdanta Uranium-ka.

SOMALILANDPOST.NET