Woqooyiga Dalka Ciraaq oo Gacanta u galay Xoogagga Islaamiga ah ee ISIL oo Kaabiga u Saaran Caasimadda Baqdaad (SAWIRRO)

Kirkuk (SLpost)- Xoogagga Islaamiga ah ee Dagaalka ka wada dalka Ciraaq oo maalmihii u dambeeyey la wareegay gacan-ku-haynta magaalooyin waaweyn ee dalkaas, ayaa kaabiga u saaran caasimadda dalkaas ee Baqdaad oo laga cabsi qabo inay gacanta u gasho Kooxda ISIL.

CIRAAQ (3)Xogaggan oo lagu magacaabo ISIL (Islamic State in Iraq and the Levant) oo warbaahinta dunidu si weyn u hadal-hayso isla markaana lala yaabay guulaha ay gaadheen dagaalada ay kula jiraan ciidamada Ciraaq, ayaa laba maalmood ka hor la wareegay Magaalada Mosil, waxaanay shalayna qabsadeen magaalada Weyn shidaalka qaniga ku ah ee Tikrit oo ah goobtii uu ku dhashay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.

Kooxdani waxa ay isla maanta qabsadeen magaalada Samara oo u dhaxeysa Tikriit iyo Baqdaad, waxaanay wakhtigan kaabiga u saaran yihiin caasimadda Ciraaq.

Magaalada Sammara ayaa ah goobta uu ku dhashay hogaamiyaha kooxda ISIL oo lagu sheegay in aad u maskax badan oo xidhiidh la leh kooxaha Al-qaaacida.

Sammara ayaa 2 saac oo kaliya u jirta magaalada caasimada ah ee Baqdaad,Kooxda ISIL ayaa hore usoo qabsatay magaalooyinka Fallujah iyo Ramadi ee gobalka Anbar.

CIRAAQ (2)Kooxda ISIL ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Caasimada ah ee Baqdaad, xili dowlada aanay weli jawaab militari ka bixin guulihii kooxdan maalmihii lasoo dhaafay ka gaadheen dagaaladii ka socday Woqooyiga Ciraaq oo hadda ka baxay faraha dowlada reysal-wasaare Nuuri Maliki.

Raysalwasaare Maliki ayaa sheegay in abaabulayaan ciidamada Militariga iyo Booliiska oo uu sheegay inay ka awood badan yihiin kooxda ISIL, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la dagaalamaan kooxdaasi.

In badan oo kamid ah ciidamada Ciraaq ayaa hubkoodii iyo gaadiidkoodii ka cararay xiligii ay xoogaga ISIL la wareegayeen magaalada Mosul.

CIRAAQ (1)Waddamada Reer Galbeedka ayaa walaac weyn ka qaba weerarrada kooxda ISIL kula wareegtay dhul baaxadbadan oo isku xidhaya Waqooyiga dalalka Siiriya iyo Ciraaq, kooxdan ayaa hada gacanta ku heysa dhul aad u weyn.

“Britain Mar kale kuma celin doono khaladkii aanu hore u galnay ee duullaankii aanu ciidamadayada ku gelinnay Ciraaq,” sidaa waxa yidhi reysal-wasaare ku-xigeenka dalka Ingiriiska Clegg oo ka hadlayey saamaynta ay kooxda ISIL ku yeelatay deggenaanshaha Ciraaq.

Sidoo kale, Dowlada Maraykanka oo hore u sheegtay inaanay faraha la geli doonin dagaalka ka socda, balse waxa filayaa inuu jiro qorshe ay ku abaabulayaan fadhi deg-deg ah oo Golaha Ammaaku arrintan ka yeesho.

 

SOMALILANDPOST.NET