“Wixii Aynu Isku Af-garano Ee Aynu Ku Heshiino Ayaa Ugu Muhiimsan, Beesha Caalamku Wadanka Inalama Lahee…” Cabdilaahi Geeljire

(SL.Post) Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac  Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa ka hadlay heshiiskii Xisbiyada Qaranka, Komishanka iyo Xukuumaddu ka gaadheen dib u dhaca Doorashada, duruufta abaareed ee keentay in todoba bilood dib loo dhigo Doorashada,  aragtida Beesha Caalamka, iyo waxa laga filan karo Golaha Guurtida.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdilaahi Geeljire, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay maceeshada, fariina u diray Ganacstada dalka, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya mawqifka Beesha Caalamka uu yidhi “Wixii aynu isku af garano ee aynu ku heshiino ayaa ugu muhiimsan, Beesha Caalamku, Wadanka inalama lahee, ee sidii aynu dano moodno inaynu ka dhaadhicino weeye, iyaba wey arkayaan duruufta taagan, sida ay wax u dhaceen iyo abaaraha dalka ka jira, balse waxay iska neceb yihiin waxba dib loo dhigay, oo nidaamkii doorasho ee socday in la bedelo ayey diidayaan”.

Cabdilaahi Geeljire mar uu ka hadlaayey in saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumaddu isla qaatan in Doorashada dib loo dhigo muddo todoba bilood ah ayaa yidhi “Way ku heshiiyeen, oo Xisbiyada iyo Xukuumadda ayaa inooga wakiil ah, Somaliduna waxay tidhaahdan wax Rag ama dad isku og yahay ma qudhmuuna, oo dadkii tartamayey haddii ay wax ku heshiiyeen, oo meel wax isla dhigeen, inkasta oo Madaxweynuhu lahaa wakhtigeedii ha lagu qabto Doorashada haddana  Madaxweynuhu wuu ku taageeray, Komishankiina wuu ku taageeray, waana si fiican”.

Cabdilaahi Geeljire mar aanu wax ka weydiinay wararka soo baxaya ee sheegaya inay Guurtidu muddo ka badan todobada bilood inay wado iyo waxa laga filan karo ayaa ku jawaabay “Dastuurku Guurtida ayuu siiyey xaalada qiimaynta, qaybtan hore waxay ahayd sharciyadii hore ee taalay sidii wax looga odhan lahaa,  Guurtiduna inaga ayey inaga mid yihiin, oo dadka ayey ka mid yihiin, markaas marka ay qiimeeyaan waxaynu Guurti uga dhiganay, kana odayeeyaan xaalada jirta, weyna og yihiin dareenka Xisbiyada, oo Xisbiyadu iyo Xukuumaddu waa kuwaas muddo ku heshiiyey, markaas taasna wey arkayaan, xaaladana wey qiimeeynayaan, markaas siday dan u garkaana wey yeeli doonaan”

Cabdilaahi Geeljire mar uu ka hadlaayey Sicir bararka, qiimaha sarifka ee is bedelay iyo maceeshada ayaa yidhi “Ganacstadu umaddeena ayey ka mid yihin, sidaynu uga naxayno dadkeena, ayey iyana uga naxayaan, dadkuna uu iska dhibaataysan yahay, oo wuu iska abaaraysan yahay ee waxay umadda uga qaban karaan oo hor ILLAAHAY iyo hor bilaa’adanimo labada ha u qabtaan,oo macaash dookan yaanay ka fikirin ee duruufta kale ee taagan  eegaan, sidaas ayaa iyaga if iyo aakhiraba u khayr roon”.

 

 

Somaliladpost.net