William Hague oo laga Beddelay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo shakhsiga loo badinayo in lagu beddelo

London (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameroon, ayaa Isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxaanu xilka wasiirnimada ka qaaday siyaasiga Ruug-caddaaga ah ee William Heague oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

William Hague ayaa ku sii jiri doona golaha wasiirrada xukuumadda David Cameroon, waxaanu noqon doonaa hoggaamiya Aqalka Odayaasha ee dalkaas, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xafiiska reysal-wasaaraha ee Downing Street.

willaimXubno sare oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska, ayaa sheegay in Wasiirka gaashaan-dhigga Philip Hammon uu beddeli doono Mr Hague.

Sidoo kale, waxa xilka laga qaaday Wasiirka Gobolka Welsh ugu jira dawladda Britain, David Jone oo golaha wasiirrada ku soo biiray laba sanno ka hor.

“William Hague, waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka muddada badan indhaha u ahaa xisbiga Conservative, isaga oo xisbiga hoggaankiisa soo qabtay, laba jeerna xil wasiirnimo soo qabtay,” sidaas waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray Raysalwasaare David Cameroon.

“Muu ahayn oo kaliya wasiir arrimo dibadeed oo heersare ah, waxa uu ahaa qof lagu kalsoonaan karo, la-taliye maskax wanaagsan iyo saaxiib dhammanteen nagu weyn,”sidaas ayuu yidhi David Cameroon.

SOMALILANDPOST.NET