WIILKII MAANTA XAASKIISA KU GOWRACAY MAGAALADA BURCO OO GOOR DHAWEYD GACANTA LAGU SOO DHIGAY

Burco(SLPost) Waxaa goor dhaweyd gacanka lagu soo dhigay Maxamed Axmed Xirsi oo ah wiilkii maanta gacantiisa qudha kaga gooyey xaaskiisa, kaasi oo maanta ku dilay magaalada burco gaar ahaan xaafada riiga bukhleeye, ciidamada booliska ayaa goordhawyed gacanta ku soo dhigay.

Qabashada Wiilkan dhalinyarada ah ee maanta geystay dilka ayaa waxaa noo xaqiijiyey qaar kamida xildhibaanada golaha deegaanka burco oo iyagu ku jiray daba galka wiilkaasi oo goobta uu ku suganyahay waxaaana noo xaqiijiyeen in imika uu ku jiro gacanta ciidanka booliska.

T4

Ka dib markii uu wiilkani maanta geystay gawraca uu ku sameeyey xaaskiisii oo ahayd gabadh ay isku cusbaayeen ayaa waxaa uu ka baxsaday goobta waxaana islamarkiiba ay ciidanka boolisku jeelka u taxaabeen aabiihii axmed xirsi iyo qaar kamida eheladiisa oo gaadhaya ilaa 10-ruux, kuwaas ooo dhamaantoodba hada jeelka ku jira.

Sidoo kale waxaan wali la aasin meydkii marxuumada maanta geeriyootay oo iyadu ahayd sowjadii wiilka bireeyey, waxaana ay tahay dhacdo iyadu ugub ku ah dhulka somalida, waana dhacdadii ugu horaysay ee nooceeda ah ee reer aroosi ku baaba,0.

somalilandpost.net

Burco