Wiil uu Abti u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka mid ahaa Raggii Weeraray Madaxtooyadda

Muqdisho(SLPOST)Todobaadkii hore weerarkii lagu qaaday Madaxtooyadda Shaki kuma jiro in uu ahaa mid aad looga soo Qorsheeyay, laakiin ilaa iyo hada Warbaahinta lama siin Warar Faah-faahsan, walina Xukuumaddu kama aysan Jawaabin Su’ashaa ugu Muhiimsan oo ah: Sidee bay Shabaab ku soo galeen Madaxtooyadda?

Madaxweyn_Xassan_wiil_uu_abti_u_yahay

Warar badan oo lagu kalsoonaan karo ayaa ilo badan nasoo gaadhaya wararkaa waxaa ka mid in albaabka xiga dhanka hudheelka Bulsho laga soo geliyey ragii weeraray xarunta madaxtooyada. Waxaa albaabkaasi horey u ilaalin jiray ciidamada Amisom laakiin maalmo ka hor inta aan la qaadin weerarkaa ayaa laga bedelay halkaasi waxaana lagu badan ciidamo Soomaali ah si ay ugu fududeeyaan in ay halkaasi Alshabaab uga soo galaan.

Waxaa kale oo aanu helanay warar  sheegaya in Raggii fuliyay Weerarkii Madaxtooyadda uu ku jiray Wiil ay dhashay Nuurta Shiekh oo la dhalatay Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud.

Wiilkan oo uu Madaxweynuhu u ahaa Abti, ayaa wuxuu ka mid ahaa Ciidanka Illaalada (Security) Madaxweynaha oo waliba aad loogu kalsoonaa.

Wiilka Magaciisa waxaa la yidhaahdaa Maxamed Salaad, waa 24 Jir, wuxuuna u dhashay Qabiilka Baadicade (Hawiye), sidee noo sheegeen Xog-ogaalka aan ka helnay Macluumaadkaan.

Sidoo kale, Waxaa Kooxdan soo Weerartay Madaxtooyadda kamid ahaa Labo Nin oo Majeerteen ah, kuna soo biiray Al-Shabaab bilihii ugu dambeeyay iyo Wiil Isaaq ah.

Kooxdan uu Hogaaminyay Maxamed, waxaa la shaqeeyay oo u fududeeyay Weerarkan Labo kamid ah Ilaallada Madaxtooyadda oo ay Maxamed gacansaar hoose lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa “Operation-kaan” Abaabulkiisi Maskaxeed iska kaashaday Qaar kamid ah Xildhibaannadda lagu Magacaabay “Qaswadayaasha” iyo Al-Shabaab oo uu xidhiidh aan Qarsoodi aheyn ka dhaxeeyo.

Kooxdaan “Qaswadayaasha” ayaa Qandaraas waxey kusoo qaateen in ay Booska Madaxweynenimada ka wareejiyaan Xasan Shiekh Maxamuud, weerarkaan wuxuu ahaa iskuday la doonayay in Weerar lagu dillo Madaxweynaha, haduu fashilana, Qorshaha labaadin uu noqdo in la Ololeeyo oo la diyaariyo Casilaadda Madaxweynaha.

“Qaswadayaasha” ayaa filanaya in ay Lacag farabadan uga timid Dowladda kamid ah Midowga Yurub (EU), sida Dowladda Talyaanigga iyo Norway, kadibna Lacagtaa lagu hadhqiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Baarlamaanka Lacagta lagu shubto”.

 

somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland