Wiil Soomaali ah oo maxkamadayntiisu ka socoto dalka Talyaaniga.

Palermo(SLPOST)Magaalada Agrigento ee dalka Talyaaniga waxaa ka socota maxkamadaynta wiil Soomaaliyeed oo loo haysto inuu wax ka ogaa cilad ku timid doon siday boqolaal ruux oo tahriibayaal ahaa oo ku degtay xeebaha Talyaaniga bishii October ee sanadkii hore.

wiil dacwad loohayto

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Max’ud Muxudiin oo 34 sanno jir ah ayaa dacwad oogayaasha u sheegay inuu si xad dhaaf ah u raray doon aan loogu talo galin in lagu safro kadib uu halaagay boqolaal ruux oo tahriibayaal ahaa.

Wakaaladda wararka Talyaaniga ANSA ayaa ku waramaysa in Max’ud Muxidiin loo haysto dambiyo kale oo ay ka mid yihiin hadadaad uu ku sameeyay dad tahriibayaal, xad gudubyo xagga jinsiga ah iyo musaafurinta dad rayid ah.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada hor keenay illaa 7 ruux oo u dhashay wadanka Eritrea oo ka bad baaday doontii bishii October ee sanadkii hore waxaana ay sheegeen in dad uu ku jiro Max’ud ay jidh dileen oo ay  xidh xidheen handadeedna.

Dadkii ka bad baaday qaarkood xataa waxay ku eedeeyeen ninkan inuu qeyb ka ahaa dadka muddo ku haystay xadka ay wadaagaan wadamada Libya iyo Chad kadibna ka qaatay lacag madax furasho.

Qiyaastii 366 ruux oo tahriibayaal ahaa una badnaa Soomaali ayaa ku geeriyooday doontii degtay bishii October.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland