Weriye ka tirsan ROYAL TV oo Booliska Ceerigaabo Xabsiga u taxaabeen iyo sababta xadhiggiisa

Ceerigaabo  (SLpost)- Ciidammada ammaanka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa Xabsiga u taxaabay Weriye Cabdillaahi Xuseen Darwiish oo magaaladaa uga soo warrama TV-ga ROYAL, kaasoo la sheegay in loo xidhay war uu soo tabiyey.

Axmed Cumar Caddaani oo ah Agaasimaha TV-ga ROYAL ee Somaliland, ayaa xaqiijiyey in shalay gelinkii hore abbaaro 10:30 (tobankii iyo badhkii) Xabsiga loo taxaabay Weriyaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag uga soo warramaya ROYAL TV Cabdillaahi Xuseen Darwiish, kaasoo uu sheegay in amarka xadhiggiisa uu bixyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire).

“Waxa loo xidhay War uu xalay soo tabiyey oo ku saabsanaa dad raashin loo qaybinayey, balse dadkaasi ka cawdeen inaan raashinkasi ku filnayn maaddaama oo ay yihiin dad danyar ah oo caawimo kafaysa u baahan mar kasta. Wax kale oo uu galay ma jiraan, waxa loo xidhayna waa warkaas oo TV-gu baahiyey markii uu soo diray,” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Somaliland ee TV-ga ROYAL Axmed Cumar Caddaani. Waxaanu Axmed intaa raaciyey; “Saaka sidii loo qabtay illaa caawadan aan kula hadlayo wuu xidhan yahay…”

Geesta kale, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamd-rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay in maanta markii ay maqleen xadhigga Weriye Darwiish ka dib,ay la xidhiidheen Taliyaha qaybta Booliska, kaasoo uu xusay inuu u ballan-qaaday in maanta ahaanba la sii-deynayo, hase ahaatee, uu caawa ogaaday inuu xidhan yahay oo aan weli la siideynin.

Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-rashiid, waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin siiddeynta Weriyahaas, isla markaana ay maanta dawladda kala hadli doonnaa arrinta Weriyahaas iyo sidii loo sii deyn lahaa, hawshiisana ay maanta ahaanba bilaabeen, balse ay rejaynayaan inay maanta ku guulaystaan in laga sii-daayo Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Ceerigaabo oo uu Waaran la’aan ugu xidhan yahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net