Weriye Axmed Xasan Cawke iyo Telefishanka Universal Iyamaa Caansan?

Maalmihii ugu danbaysay waxaa dadwaynaha afka soomaaliga ku hadlaa in badan hadal hayaan weriyihii waynaa ee Axmed Xasan Cawke oo laga fadhiisiyay shaqadii uu ka hayn jiray telefishanka caalamiga ah ee Universal, taasi oo dadkii daawan jiray la xidhiidhinayaan erigiisa mar weriyaha wax laga waydiiyay safarkiisii ugu danbeeyay ee uu kusoo maro dalka jabuuti halkaasi oo uu sheegay in jabuuti waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee uu kusoo arkay ay ka mid ahaayeen laydhka oo aan gaadhin xaafado ka mid ah magaalada Djibouti iyo kulaykeedii badnaa.

Axmed Xasan Cawke muu sheegin waxaan jirin, ee dhamaan faalada uu  ka bixiyay dalka Djibouti waa run, dadka reer Djiboutina kama hadli karaan xaqiiqada iyo runta meesha taala sababtoo ah cabsi badan oo ka haysata maamulka dawlada.

Axmed Xasan Cawke waxaa la waydiiyay fikirkiisa iyo waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee uu kusoo arkay dalka jamhuuriyada Djibouti sidii uu soo arkayna wuu sheegay, laakiin Universal TV haddii uu leeyahay Ismaaciil Cumar Geele,  waxaan leeyahay Axmed Xasan Cawke wuu idinka caansan yahay idinka iyo Telefishankiinaba, shaqadiinuna maaha mid wariye danbe oo caan ahi ku karaamo beelo doono.

Hadaba su,aasha meesha taala ayaa ah Weriye Cawke iyo Telefishanka Universal iyamaa caansan? Dad badan oo soomaali ah ayaa Telefishankaasi u daawan jiray weriyaha illaahay hibada u siiyay tabinta iyo ka dhaadhicinta dadka dhacdooyinka uu markasta ku dhex jiro tabintooda. Telefishanka universal ayaa laga yaabaa inuu daawadayaal faro badan ku waayo shaqo ka fadhiisinta weriye Axmed Xasan Cawke.

Wariye Cawkena waxaan leeyahay shaqada aad u haysto umada ku hadasha afka soomaaliga ayaa  ka badnayd taad u haysay telefishanka madaxwaynaha Djibouti maamulo ee Universal, Waxaanan kuu rajaynayaa inaad ka hawl gali doonto mid kale sababtoo ah Universal iyo Adiga (Cawke) markay noqoto dadku adigay barnaamijyadaada daawan jireen ee TVga cidi may jeclayn.

Ahmed Biito.

Hargeisa Somaliland

ahmed_biito@hotmail.com