Weriyaha Tv-ga Qaranka Uga Soo Warrama Laascaanood Oo Ilaalada Maayarku Dhaawacyo Gaadhsiiyeen

(SL.Post) Weriye Barkhad Cumar Axmed oo Laascaanood uga warama Tv-ga Qaranka Somaliland, ayaa dhaawac madaxa ah waxaa soo gaadhsiiyey Askari ka mid ah Ilaalada Maayirka Magaalada Laascaanood xili uu doonayey in uu u gelo kulan ay lahaayeen Golaha Deegaanku.

Askariga Falkan geystey ayaa la xidhay siduu Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre .

Masuuliyiinta iyo Qaar ka mid ah golaha deegaanka ayaa sheegay in qalad ka dhacay hoolka Shirarka ee dawladda hoose diyaarna ay u yihiin in la xaliyo, “Aniga ayaa qaadaneyna masuuliyadda dhaawaca soo gaadhay Weriyaha, xaal buuxana waan ka bixinaynaa.” sidaa waxaa yidhi Cabdicasiis Xuseen Xasan Guddoomiyaha degmada Laascaanood oo Warbaahinta la hadlay.

Qaar ka mid ah goobjoogayaal halkaas ,ku sugnaa ayaa waxay ay sheegeen in ismaandhaaf dagaalka dhaliyay uu ka dhax dhacay kadib markii weriyaha oo qalabkiisa sita oo isku deyey in uu hoolka shirarka galo iyo askarta halkaas ilaalinaysey oo u diidey.

Goob-jooguhu wuxuu intaasi ku daray, in markaasi ka dib uu arkay Weriyaha oo uu Madaxa ka da’ayo dhiig faro badan.

Somalilandpot.net