“Weligay wax Kulmiye ka liita oo ka boob badan maan arag…”Jamaal Cali Xuseen oo Ka Hadlay Dagaalka Golaha Wakiilada

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa xisbiga Ucid Jamaal CalI Xuseen oo ka hadlay dagaalkii gacanka hadalka ahaa ee golaha ku dhex maray gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa waxa uu si kooban barta bulshada ee Facbook ugu soo qoray sidan “Sidani Dawladnimo maahee waa Budhcadnimo; maanta Ninka Dagaalka ka dhex bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro ku Qaad qaaday waa Baashe, hadduu sidan xukuumadda Kulmiye ee Siilaanyo Iyo inta ku xeeran Ee boobka wadda ay sidan dhaami waydo shacabkaa madaxtooyadda Ugu soo daadan Ee taasi maskaxda ha galiyaan. Weligeen wax Kulmiye ka liita oo ka boob Badan Maan arag, Waar Imika ma Kulmiyihii xunbeyn jiray Ee UDUB ku haystay wax baad iibiseen ayaa loo taag laayahay. Haddii maanta ay Tani ka dhacayso Golahii wakiiladda, Siilaanyo Iyo inta ku xeerani ha ogaadaan inaan laydinka ogolaan doonin in sidaa doontaan ay socoto; hadda Siyaad Barre Iyo Qadaafiba waxa galaaftay madax adaygoodii iyo kibirkooddii.”