Weli Ma Aragtay Digreeto Xil Ka Qaadis Ah Oo Loo Dhiibo Baabuur Caanoole Ah?

Hargeysa(SLpost)-Madaxtooyada Somaliland ayaa digreeto ay xilka kaga qaaday badhasaab-xigeenkii gobalka Hawd Warsame Faarax Soomaali, waxay ugu dhiibtay baabuur caanoole ah oo caanaha ka soo qaada deegaanada Baligubadle.

gudoomiye

Digreetadan oo aan warbaahinta laga baahin, lana sheegay inay ku taariikhaysnayd 24 February 2016, ayaa waxa dad badan yaab ku noqotay sababta loo baahin waayay, waxase ka sii yaab badatay in masuulka xilka laga qaaday digreetada loogu dhiibay baabuur Caanoole ah. Mr. Warsame Faarax Soomaali oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo mawduucan, waxase uu Geeska Afrika u xaqiijiyay in digreetada uu soo gaadhsiiyay mid ka mid ah darawaliinta baabuurta caanaha ka soo qaada Baligubadle.

Talaabadan ayaa dhaawac ku ah nidaamka dawladnimo, waxaana wax lala yaabo ah sida sir uu qaranku leeyahay loogu dhiibi karo qof shacab ah oo aan xataa u shaqayn dawladda Somaliland, iyadoo la heli karayay in xataa haddii aan masuulka xilka laga qaaday loo yeedhi karayn, loo marin karayay warbaahinta.

Geeska Xigasho