Weftii SAMA-WADE ee Guddoomiye Cirro Hoggaaminaayey oo Caawa Ku Soo Hoyday Magaalada Saylac+SAWIRO

Saylac(SLpost):-Weftigii SAMA-WADE ee uu hoggaaminaayey guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isla mar ahaantaana socdaalka ku maraayey deegaanada hoos yimaada goballada Galbeed Somaliland, ayaa goor dhaweyd ku soo hoyday magaalada Saylac ee xarunta gobalka Salal.

IMG_3900 IMG_3899

Waxaana weftigan oo ay ku wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI si ballaadhan duleedka magaalada Saylac ugu qaabiley qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladdaasi iyo mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka dib soo dhaweyntii la hadlay warbaahinta, ayaa si ballaadhan ugu mahad-celiyey dadweynaha reer Saylac sida diiran ee ay ugu qaabileen magaaladdaasi, waxaana uu ugu baaqay in ay si weyn isu diiwaan-geliyaan si ay uga qeyb-qaataan ayaa uu yidhi isbedelka tolmoon ee xisbiga WADDANI uu doonaayo in uu dalka ka hir-geliyo.