Weftigii Wasiirrrada Somaliland oo Xal Khilaafka hoggaanka Degmada Saylac u Doonay Dalka Jabuuti

Saylac (SLpost)- Wefti ka kooban saddex Wasiir ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay  galay dalka Jabuuti ka dib markii loo maaro waayey khilaafka cakiran ee ka taagan hoggaanka Golaha Deegaanka ee Saylac.

Weftigan oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad) iyo Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, kuwaas oo saddex maalmood ka hor Saylac u gaardhay Xal-u-helidda khlilaafka la xidhiidha Golaha deegaanka degmada Saylac oo maaro loo waayey ka dib markii Beelaha Samaroon iyo Ciise ee wada-dega gobolka Selel midkoodna ku qanci-waayeen go’aan sulux ah oo xukuumaddu ula tagtay si maaro loogu helo.

weftiga xukuumaddaXubnahan Wasiirrada ah ayaa la filayaa inay Dalka Jabuuti kulamo kula yeeshaan madaxda dalkaas, iyada oo lagu wado inay la kulmaan madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay gaadhsiin doonaan Farriin ay uga sidaan madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Wasiirradan ayaa la filayaa inay Dawladda Dalka Jabuuti hor dhigi doonaan aragtida xukuumadda Somaliland ee muranka Ka taagan Hoggaanka golaha Deegaanka Saylac oo Beesha Samaroon ku guulaysatay ka dib markii beeshaasi heshay 10 ka mid ah 17-ka Kursi ee degmada Saylac, taas oo dhalisay in Beesha Ciise oo todobada soo hadhay helay ay cabasho ka muujiyaan inaanay beesha Samaroon Xaq u lahayn kuraasida intaasi le’eg, maadaama oo sida ay ku doodeen ay iyagu iska leeyihiin deegaanka degmada Saylac.

Xukuumadda Somaliland ayaa beesha Ciise u soo bandhigtay inay qaataan maayar-ku-xigeenka degmada Saylac, isla markaana loo shaqaaleeyo dad ku dhow boqol qof, balse Beesha Ciise ayaa ku gacan-saydhay Hannaankaas suluxa ah ee xukuumadda Somaliland gaadhay, Waxaanay Wasiirrada Dalka Jabuuti Gaadhay doonayaan in Dawladda Jabuuti Arrintaas xalka ah wax kala qabato.

Wararka laga helayo magaalada Saylac ee la xidhiidha xubnaha Weftiga Wasiirrada, waxa la filayaa inay Dawladda Jabuuti kala xaajoodaan sidii loo baajin lahaa isku dhac dhexmara labada beelood ee wada-dega gobolka Selel iyo sidoo loo ilaalin lahaa xudduudda labada dal u dhexeeya, si haddii ay dhacdo loo xakameeyo malleeshiyo-beeleedyo ka soo tallaaba dhinaca xuduudda Somaliland la wadaagto Jabuuti.

In kasta oo aanay labada xukuumadood midkoona ka hadlay arrintan, haddana waxa ay wararku tibaaxayaan in xukuumadda Jabuuti oo loo arko inay lug ku leedahay Khilaafka cakiran ee golaha deegaanka degmada Saylac, aanay ku qanacsanayn sida Dawladda Somaliland xalka ugu raadinayso khilaafkaas.

Waa markii u horreysay ee labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti ka wada hadlaan xal u helidda khilaaf ka dhexeeyo labada beelood ee wada-dega gobolka Selal ee Somaliland oo xuduud la leh Jabuuti.

SOMALILANDPOST.NET