Weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee Dawladda Ethiopia ka socda oo Hargeysa soo gaadhay iyo Ujeeddada socdaalkooda

Hargeysa (SLpost)- Wefti culus oo ka Kooban Wasiiro iyo Madax sare oo ka Socda Dawlada Itoobiya ayaa Galabta Booqasho ku yimid Caasimada dalka ee Hargaysa, waxaana gegida diyaaradaha ee Egal International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Maaliyadda, Duulista iyo Hawada, Ganacsiga Somaliland.

Weftiga dawladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Kooban Wasiirka Maaliyadda ee dawlada Itoobiya Sufyaan Axmed, waxa Xubno ka ah Wasiirka Gaadiidka Cirka, Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada ee Itoobiya, Agaasimayaal iyo Saraakiil kale, waxa ay noqonayaan weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee Somaliland socdaal shaqo ku yimaadda.

weftigaWasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Sufyaan Axmed, ayaa si wada-jir ah warbaahinta ugu faahfaahiyey ujeeddada safarkooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Weftigan ay Xukuumada Somaliland ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin adeegsiga Dekeda Berbera, Adeegsiga Laydhka iyo samaynta jidka Tareenka oo Mustaqbalka isku xidhaya labada waddan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO