Weftigii Odayaasha-dhaqanka Soomaaliya Ee Hargeysa Ku Sugnaa Oo Maanta si Daah-furnaan Ah Uga Warramay Mawqifkooda Ku Wajahan Qarannimada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madax dhaqameedkii ka socday dalkaasi Soomaaliya oo maalmahanba booqashada ku joogay Somaliland, ayaa u kala jabay laba qaybood, iyada oo qayb ka mid ahi oo ay xubno siyaasiyiin ahi weheliyaan ay  isla shalayba dib ugu noqeen magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, halka intoodii badnayd ay weli ku sugan yihiin magaalada Hargeysa.

KULANKA MADAX-DHAQAMEED (4)Qaybta laabatay oo tiradoodu gaadhayso labaatameeyo xubnood oo jufo ahaan ka soo jeedda beesha Hawiye isla markaana ay hoggaaminayeen laba xubnood oo la kala yidhaa Axmed Diiriye Cali iyo Maxamed Warsame Xaad, ayaa iyagu sifo aan la garanayn ugu noqday shalay magaalada Muqdisho, kadib markii ay habeen hore markii ay ka soo laabteen socdaal ay Boorama ku tegeen maalinnimadii la shir yimaadeen mawqif ka duwan kii ay Weftigooda 50ka xubnood ahaa ku wada socdeen. Haddaba In kabadan 30 xubnood oo kamid ah Weftiga Madax dhaqameedka ah ee Hargeysa ku hadhay kuwaas oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda beelaha Soomaaliyeed ee dega gobollada Koonfurta iyo kuwa badhtamaha dalka Soomaaliya ayaa shir ay warbaahinta u qabteen shalay kaga hadlay mawqifkooda, isla markaana caddeeyey inaanay fikir ahaan la qabin ujeedada garabka muqdisho kulaabtay.

Madax dhaqameedka Oo Shalay hadhimo ay Dallada SONSAF u samaysay kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in weftigooda ay hoggaaminayeen shan xubnood oo ay madax dhaqameedku wakiisheen intii aanay Somaliland soo gaadhin, hoggaankaasna afar ka mid ahi ay weli joogaan, balse xubin keli ahi noqotay, sidaas darteed shacbiga Somaliland ay ka raaligelinayaan is bedelka ku yimi Madax dhaqameedka Muqdisho.

Madax dhaqameedku waxa ay shacbiga, waxgaradka iyo dawladda Somaliland ugu baaqeen inay kalsooni ku siiyeen inta joogta ee weftiga ah, kuwaas oo wixii farriin ah ee ay u dhiibaan si toos ah u gaadhsiin doonaan dadkooda marka ay laabtaan.

Ugu horeyn mid kamid ah waxgaradka shirka jaraaid ka hadlay ayaa isaga oo ku halqabsanaya su’aal ay salaadiinta Somaliland weydiiyeen ku jawaabay “Walaalayaal Suldaanku (Xiirey) Su’aalbuu na weydiiyey, annagu waxaanu ahayn dad badan oo Soomaaliyeed, dadkaas waxaa hoggaanu ahaa   shan qof, oo salaadiin, waxgarad iyo boqorro ah, shantiina hal nin baa tegey intii kel way joogaan ha werwerina, waxaanan u joognaa wixii aanu u nimi inaanu dhamaystirno salaadiinta iyo aqoonyahanka Somaliland farriinta ay na faraan inaanu u gudbino Soomaaliya. Waxa kale oo aanu u joognaa maalinta idinka (Somaliland) agtiina qiimaha weyn ku leh ee calankaas [Towxiidka] Laa-illaaha Illa-laah ay ku qoran tahay aad taagteen farxadda maalintaas inaan idinkala qayb galno ayaanu u joognaa”. Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah weftiga Madax dhaqameedka Soomaaliyeed ee Hargeysa ku sugan ee iyagu shalay Saxaafadda kula hadlay Hotel Maansoor oo Dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF qado-sharaf ugu samaysay. Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu waxgaradkani intaa ku daray mar uu ka hadlayay qayb kamid ah Weftigooda oo fikirkii ay ku wada socdeen u beddelay ujeedo aan la garanayn kuwaas oo dib ugu laabtay Muqdisho “dadku haddii ay badan yihiin oo ay safraan qaar baa dano iska yeesha, qaar baa iska tegi kara laakiin waxaanu rabaa inaanu idiin sheegno   inta joogta waa duubkii rasmiga ahaa ee dadkii socday duubabkoodii ahaa ilaa idinku aad fasaxdaan oo aad eeriboodhka ka ambabixisaan iska bixi maayaan. Waxaa la rabaa martidu inay edeb lahaato, waxaa la rabaa inay fuliso ballankii ay qaaday. Annaga waxa na marti qaaday maalintii u horeysay dhaqanka Somaliland, waxaanay noo sheegeen waxa ay Somaliya ka rabaan, waxaa ku xigtay dhalinyarada waxay noo sheegeen waxay Soomaaliya ka rabaan. Annaguna Madax dhaqameed ahaan waxaanu rabnaa inaanu dadkayagii iyo Somalia u sheegno farriinta ay reer Somaliland iyo Dawladdoodu noo dhiibaan, wixii ay naga doonayaan ee wanaag ahna u sheegno. Ugu dembeyn waxaan idin leeyahay dad baa iska tegey laakiin annagu qabiil ma nihin ee waxaanu nahay qaran Soomaaliya ah, qarankii Soomaaliyana dadkii metelayayna way idinla joogaan, waxba yaan warka laysku dardarin, annagu ballan baanu qaadnay maalintii u horeysay ee aanu Salaadiinta Somaliland is aragnay, maalintaas su’aal baa nala weydiiyey, waxaananu nidhi su’aashaas dib baanu uga jawaabaynaa, waananu ka jawaabi doonaa. Dadka Somaliland-na dad wanaagsan weeye waxaananu ku faraxsanahay nabad-galyada, dawladnimada, anshax wanaaga iyo horumarka ay gaadheen, waananu idinku hambalyaynaa. Inaad dawladnimadiina inaad la go’daan rabtaan waanu sheegaynaa inaynu is kaashano inaad rabtaan waanu sheegaynaa, cidna ka biqi mayno, waxaad na fartaan waanu geynaynaa, waananu soo noqon doonaa annaga oo jawaabteeda sidna ee ha werwerina ”.

Dhinaca kale Xoghayaha Weftigan Ugaas Cabdi Yacquub oo halkaas ka hadlay waxaa uu yidhi “Immika Guurtidan Soomaaliya ka timi waxa xoghayn u ahaa nin kale maantase waxa xoghayn u ah anigoo ah Ugaas Yacquub oo odayaashu ii doorteen inaan xog hayn u noqdo. aniga aabahay baa odhan jiray wax allaala oo dhacaa wax bay u roon yihiin” sidaa ayuu yidhi Ugaas Yacquub, waxaanu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata, “Somaliland Waa Dawlad, wixii aanu aragnay baana noogu filan, ilaahay baana idinku garab galay waxaad haystaan, waxaad doonaysaanna illahay ha idiin fudaydiyo isaga uun baa dhamaystiraya”. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Oday dhaqameed kale oo kamid ah weftiga waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ hadal badan umaan kicin, laakiin waxaan leeyahay waxaanu aragnay wax la qarin karo maaha, wax annagu aanu qarsanaynana maaha, waanu sheegaynaa, waxa aad idinku (Somaliland) nagu shubteenna, dadka aanu ka nimi baanu ku shubaynaa, waayo Afrika wax ma qorto ee wey dhegeysataa, wixii aanu annagu dhegaha ka maqli jirnayna dhaayahaanu ku aragnay, waxaanu ku qasbannahay in dadkii aanu ka nimi ee aanu salaadiinta u nahay ku shubno waxaanu aragnay.

“Waxaan halkan ka sheegayaa Soomaalidu way iska warqabtaa waayo guluf xantiisa wuu ka war hayaa, idinku waxaad ka dhaqan tihiin oo aad ka dhisan tihiin waxa weeye, qaybta dhaqanka (Golaha Guurtida iyo Dhaqanka), annaga waxa na xooggay siyaasiyiin oo nimankii dhaqanka aan u ogolayn doorkoodii siyaasadeed inay qaatan, Illaahii idin haleeshiiyey baana mahadaa leh”.

Oday dhaqameed kale oo halkaa ka hadlay ayaa isna yidhi “Waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland haddii Ictiraaf xagga sare uga qoran tahay Oo Illaahay u qadarayo oo uu u abuuray oo Lawxu-maxfuudka ugu qoran tahay, annagu waxaanu Illaahay uga rajaynaynaa Inuu soo dedejiyo, annagu idin xaasidi mayno.”

 

SOMALILANDPOST.NET