Weftigii Ka Socday Kenya Oo Soo Kormeeray Dekedda Berbera iyo Keydka Haamaha Shiidaalka

Berbera, (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo horkacaya wefti ka socda dalka Kenya oo ay weheliyaan wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa xalay gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Weftiga oo ay magaalada ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta gobolka, degmada iyo dekeda ayaa shalay booqday dekeda iyo keydka haamaha shiidaalka ee Berbera, halkaasoo ay warbixinno ka siiyeen masuuliyiinta xarumahaasi.

Maareeyaha iyo ku-xigeenka dekeda Berbera ayaa weftiga uga warramay shaqada dekda, baaxadeeda iyo badeecadaha kasoo dega iyo kuwa ka dhoofa, waxaanay u sheegeen weftiga awoodda ay dekedu u leedahay inay quudiso wadamada Afrikada dhexe.

Sidoo kale, Wasiiradda arrimaha gudaha iyo qorsheynta qaranka ayaa iyaguna ka warramay dekeda Berbera iyo ahmiyada ay u leedahay wadamada Geeska Afrika iyo wadamada kale ee qaarada iyo waliba marinka u saamaxaya inay isku xidhaan wadamada Yurub, bariga dhexe iyo Afrika.
Wasiirrada ayaa waxay ka warrameen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya wadamada Kenya iyo Somaliland iyo sida ay usoo dhaweynayaan xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid ganacsi oo dhex mara Kenya iyo Somaliland.

Xubnaha ka socday baarlamaanka Kneya ayaa iyaguna hadallo ay halkaas ka jeediyeen waxay ay ka mahad-naqeen sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyayy guud ahaan Somaliland, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhak qotada dheer u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, isla markaana uu labada dal dhexmaro xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid ganacsi.
Screenshot-Warka Waftiga Kenya 8 Nov 2013.mpg-5

Ugu dambayn wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka warramay ujeedada rasmi ah ee weftigu ku tageen magaalada Berbera. “ Ujeedada weftiga Kenya inooga yimi waxa weeye inay wadankeena arkaan oo ay bartaan iyo inaynu isku soo dhawaanno cilaaqaadkeena siyaasaddeed iyo ka ganacsi, markaa waxay Somaliland ka maqlaan idaacadaha iyo tv-yada, markaa horumarka aynu gaadhnay ayaa soo jiitay oo keenay inay reer Kenya inoo yimaadaan waana dal taariikh dheer inaga dhexayso oo uu ina wada guumaysan jiray Ingiriisku, baryihii hore intii aynaan Soomaaliya isku biirina waxay ahaayeen dalalka ay Somaliland ka wada dagaalameen maxmiyadihii ay Ingiriisku guumaysan jireen, imikana waxaynu filaynaa inaynu dib isugu furmi doono oo aynu isku mari doono badda iyo hawadaba.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Somalilandpost.net

Berbera