Weftigii Dawladda Masar Ee Hargeysa Yimid Oo Cadeeyay Mawqifka Dawladooda Ee Minimada Somaliya

Hargeysa(Geeska)-Weftigii Masaarida ahaa ee dhawaan yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay kaga hadleen socdaalkoodii Hargeysa iyo mawqifka dawladda Masar ay ka taagantahay midnimada wixii la isku odhan jiray Somaliya.

12919739_942147712565749_5167968970599367455_n

Warsaxaafadeedka oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee dalka Masar, oo uu ku saxeexnaa ergaygii weftiga watay ee wasaaradda arrimaha dibadda Masar u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Maxamed Idiris, ayaa wuxuu sheegay in weftigiisa Masar ay kulamo la yeesheen masuuliyiin tiro badan oo Somaliland ka tirsan oo uu ku jiro Madaxweyne Siilaanyo, “Weftiga uu hoggaaminayay danjire Maxamed Idiris, kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan Afrika, waxa ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaadheen Arbacadii.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo intaas raaciyay in danjire Idiris, uu sheegay in wefitga Masar ay la kulmeen wasiirada ganacsiga, beeraha iyo masuuliyiin kale oo qaabilsan arrimaha dhaqaalaha Somaliland. “Weftigu wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Somaliland iyo tiro ka tirsan wasiirada iyo masuuliyiin kale oo qaabilsan dhinacyo kala duwan, iyo sidoo kale socdaalo aanu ku tagnay dhawr goobood.”  ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka, waxa lagu soo gunaanaday mawqifka dawladda Masar ee wixii la isku odhan jiray midnimada Somaliya, “Waxaa in la ogaado mudan in dalka Masar uu raadinayo, in uu gacan caawimo ku yeesho, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga iyo isku duubnida uu la leeyahay dadka Soomaaliyeed ee gobollada oo dhan, isaga oo ku guda jira xayndaabka mawqifka rasmiga ah ee dalka Masar, oo ay ka mid tahay in uu taageero diblomaasiyadeed siiyo midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Soomaaliya.” sidaas ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka uu soo saaray weftigii Masar ee dhawaan socdaalka ku yimdi Hargeysa.