Wefti Wasiirro ah oo Kormeer ku tagay Gobolka Salal oo Laga hirgelinayo Waddamo laami ah oo ku xidhaysa dalka Jabuuti (DAAWO)

Saylac (SLpost)- Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo Jimcihii u kicitimay waddanka Jabuuti, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel, kuwaasoo shaaca ka qaaday in dawladda Turkigu ka taageeri doonto dhismaha Jid laamay ah oo deegaankaas laga hirgelin doono.

xirsi iyo TurkeyWeftigaas oo ka koobnaa saddex Wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa safarka Jimcihii ku tegeen Jabuuti ku soo beegmay maalmo ka dib markii la xidhay xadka isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland oo dadweyne iyo gaadiid badani ku xanniban yihiin magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla xadka ay labada waddan wadaagaan, waxaana loo dheg-taagayaa waxa ay Wasiirradani ka qabtaan isu-socodka labada dal.