Wefti Wasiirro ah oo gaadhay Gabiley kulamo gaar-gaar ahna la yeeshay maamulka Degmada iyo gobolka

Gabiley, 05 April, 2012 (SLpost)- Xubno Wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta socdaal booqasho ah ku soo gaadhay xarunta gobolka Gabiley isla markaana kulamo gooni-gooni ah la yeeshay maamulka degmada iyo gobolkaba.

Weftiga xukuumadda oo ka kooban Wasiiradda Arrimaha Dibada Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale ayaa kulamo ay ugu kuurgalayaan xaaladda Gobolkaasi la yeeshay Badhasaabka Gobolka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.

Booqashada kooxdan Wasiiradda ah oo ka soo jeedda gobolkan ayaan la garanayn waxa ay daaran tahay, in kasta oo ay muujinayso inay wadaan kulamo siyaasadeed oo ay bulshada iyo maamulka Gobolkaasi kaga wadahadlayaan xaaladaha kala duwan ee ka taagan deegaankaasi.

Wasiir Samaale iyo Boobe ayay wasiirnimadoodu reer Gabilay ku cusub tahay, waana markii ugu horaysay ee ay booqdaan tan iyo intii ay xilka qabteen, waxaanay iftiiminaysaa inay doonayaan sidii ay isku baran lahaayeen isla markaana ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen iyaga iyo Xukuumadda.

Booqashada Wasiiraddan inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn waxa ay daaran tahay hadana waxa soo baxaya dareemo tilmaamaya in ay tahay lugtii ugu horaysay ee ay isku muujin lahaayeen sidii ay waxqabad ugu muujin lahaayeen inkasta oo wasiiradda Xukuumadda ay yar tahay inay dadkooda dib ugu noqdaan oo ay wax ka qabtaan baahiyahooda.

SLpost News

Gabiley, Somaliland