Wefti Madax-dhaqameed Oo Uu Hogaaminayo Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Hargeysa 

Hargeysa (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka kooban madax-dhaqameed iyo wax-garad uu hogaaminaayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, ayaa maanta si diirran lagu soo dhaweeyey Caasimada Hargeysa.
Weftiga Madax-dhaqameedka ah oo muddooyinkii u dambeeyey gobolka Sanaag u joogay deminta xaaladda colaadeed ee gobolkaas ka taagan iyo isu-soo-dhaweynta xiisadda malleeshiyaadka uu hoggaamiyo Korneyl Caarre, waxa duleedka Bari ee Caasimadda ka hortagay Madax-dhaqameed, wax-garad, Siyaasiin iyo Dhalinyaro Caleemo qoys iyo soo-dhaweyn diirran.
Weftiga ayaa intii ay ku soo jireen safarkooda, waxa ay socdaallo ku soo mareen deegaamo ka tirsan gobollada Bariga ee dalka.
FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE