Wefti ka tirsan Guddiga Diiwaangelinta oo Kormeer ku maray Xafiisyada Ururadda Siyaasadda ee magaalada Laascaanood

Laascaanood, 21 February, 2012 (SLpost)- Wefti ka socda Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa Maanta kormeer ku soo maray Xafiisyada kala duwan ee Ururada Siyaasada ee ka furan Magaalada Laas caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Weftigan oo ka kooban afar xubnood oo uu hogaaminayo Afhayeenka Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” waxay soo kormeereen xafiisyada ururada siyaasada ee sida rasmiga ah hawlahooda shaqo u socdeen kuwaas oo kala ah Xafiiska Urur Siyaasadeedka Wadani, Nasiye, Jamhuuriga, Xaqsoor, Udhis, Rays, iyo Damal .

Afhayeenka Gudida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo hadal kooban warbaahinta u jeediyay ayaa mahadnaq u diray Madaxda Xafiisyada Sideeda Urur Siyaasadeed ee hawlahoodii shaqo si wanaagsan u wata isla markaana ay ka muuqato ayuu yidhi diyaar garow ku aadan doorashada golayaasha deegaanka.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net