Wefti Ka Socday Qaadhaan Bixiyeyaasha Somaliland Ka Taageera Horuminta Oo Kormeeray Wakaaladdaha Waddooyinka Iyo Biyaha

Haregysa, (SLpost)- Wefti ka socda dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) iyo masuuliyiin ka mid ah dawladda, ayaa kormeeray xarumo ka mid ah Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland (RDA) iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo mashaariic horumarineed laga caawiyey.kormeerka-shaybaadhka-1

Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Hargeysa oo war-saxaafadeed ka soo saaray faahfaahinta weftiga qaadhaan-bixiyayaasha oo booqasho ku yimi caasimadda Somaliland Hargeysa toddobaadkan, kormeerkooda mashaariicda iyo weliba hawlaha sanduuqa SDF, waxa isagoo dhammaystiran uu u dhignaa sidan;

“Wefti ka kooban dawladda Somaliland oo ay wehelinayaan qaadhaan-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), ayaa booqday xarunta uu ku yaallo Shaybaadhka Tayada Waddooyinka ee ay leedahay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland (RDA), taas oo uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Kadibna, waxay weftigu booqasho ku tageen xarunta kaydka Dhuumaha biyaha qaada (beebabka) ee duleedka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay yaalaan beebabka loogu talogalay Mashruuca biyo-ballaadhinta Magaalada Hargeysa.

U jeeddada booqashada weftiga ayaa ahayd sidii ay u soo kormeeri lahaayeen qalabka Shaybaadhka Tayada Waddooyinka oo dhowaan lagu rakibay qayb ka mid ah dhismaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka iyo sidoo kale 371 konteenar oo ay ku jiraan beebabka biyaha ee dhowaan dalka la keenay.

Kuwaas oo ay ku jiraan 3,696 xabo oo cabbirka dhumucdoodu tahay 600 mm, lana dhigi doono in ka badan 21 KM, si loogu isticmaalo ballaadhinta iyo fidinta beebabka magaalada Hargeysa biyaha u qaada, halka 124 konteenar oo dheeraad ah oo ay ku jiraan beebab, dhuumo iyo qalab kale la filayo inay yimaadaan bisha socota. Qalabka shaybaadhka iyo beebabka labadaba waxa maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Dhanka wefitga xukuumadda Somaliland ka socday waxa ka mid ahaa Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, mudane Cismaan Saxardiid iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa mudane Ibraahim Siyaad, halka qaadhaan-bixiyayaashana ay ka socdeen masuuliyiin ka tirsan Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Denmark (DANIDA) iyo Boqortooyada Netherlands. Safaaradda Norway uma ay suurtogelin inay weftiga ka mid noqdaan, waxayna soo direen codsi maqnaansho ah.

Madaxa Kooxda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Aadamaha ee DFID, Pauline Seenan oo u hadashay weftiga qaadhaan-bixiyayaasha ayaa tidhi, “Aad bay u wanaagsantahay inaan halkan idinla joogo si aan u arko maxsuulka shaqada laba sannadood. Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) run ahaantii wuxuu diiradda saaray dhismayaasha gaar ahaanna dhanka waddooyinka. Waxaynu haynaa laba waddo oo la dayactiray iyo biriish, sidoo kalena aad bay u fiican tahay in la arko qalabkan oo dhan oo wax ka tari doona hubinta iyo tijaabinta tayada waddooyinka. Lacagta qaadhaan-bixiyayaasha ee cashuur bixiyayaashu waxa loo isticmaalay si hufan oo raandhiis leh, sidaas darteed way fiicantahay in la arko dhammaan arrimahan oo rumoobaya ugu dambayntii.”

Sidoo kale, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cismaan Saxardiid oo isaguna dhinaca weftiga dawladda u hadlay ayaa tilmaamay muhiimada mashaariicda laga maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

“Dawladda Somaliland iyo dhammaanteenba way inoo muuqataa horumarka laga sameeyey waddooyinka, gaar ahaa qalabka shaybaadhka oo wax weyn ka tari doona tijaabinta iyo shaybaadhista agabka waddooyinka oo berigii hore debedda loogu tagi jiray. Mashruuca biyuhu sidoo kale waa mid faa’iido badan leh oo wax ka taraya helidda biyo badan oo Hargeysi hesho.”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) waxa uu u qoondeeyey lacag dhan 9,928,630 Dollar Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (RDA) si loogu dayactiro waddooyinka isku xidha Lafaruug – Berbera – Sheikh iyo sidoo kale waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dilla.

Qayb ka mid ah lacagtan ayaa lagu soo iibiyay qalabka Shaybaadhka Tayada Waddooyinka, kaas oo kordhin doona awoodda hubinta qalabka lagu dhiso waddooyinka, kuwa la dayactirayo iyo kuwa cusub labadaba.

Si la mid ahna waxa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) u qoondeeyey lacag dhan 9,503,000 Dollar kor-u-qaadida iyo ballaadhinta nidaamka Biyaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan keenidda qalabka beebabka oo la dhigayo 23 KM oo ah inta u dhexeysa Xarunta Biyo-tuuridda Geed-deeble ilaa Xarunta Kaydka Biyaha ee Shiinaha.

Sidoo kale waxa ku jirta 3 ceel biyood oo laga qodayo deegaanka Hora-haadley (Waqooyiga Hargeysa) iyo weliba hirgelinta 6.8 Km oo beebab cusub ah oo la dhigayo Inta u dhexaysa ceelasha Hora-haadley iyo Geed-deeble.

Waxa kale oo magaalada Daarasalaam loo samaynayaa nidaam biyeed kooban, halka beebab kalena lagu kordhinayo nidaamka Biyo-qabashada ee Geed-deeble, kaas oo ceelasha cusub iyo kuwa hore u jiray ku xidhaya xarunta Biyo-tuuridda. Shaqadan waxa qabanaysa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UN-Habitat. Lacagta kor ku xusan waxa kale oo ku jira qayb loo qoondeeyey dhisidda iyo fulinta nidaamka biyo helidda ee xaafadaha Ayaxa 1&2 ee magaalada Hargeysa, kaas oo uu fulinayo ururka Terre Solidali.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talogalay in lagu caawiyo Dawaladda Somaliland; kaas oo socon doona muddo afar sanno ah, looguna talogalay inuu dawladda Somaliland ka taageero hirgelinta qorshaha horumarinta Somaliland (NDP). Sanduuqa waxa maalagalinaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawladda Ingiriiska (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherlands,” ayaa lagu soo xidhay war-saxaafadeedkaasi.

Geesta kale, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis oo warbixin kooban oo ku saabsan mashruuca biyo-ballaadhinta ku siiyey weftiga xarunta la dhigay dhuumaha, ayaa soo dhawayn uu ku qaabilay kadib tilmaamay waxa u qabsoomay ilaa hadda iyo waxa u dhiman, “Beebabka badankoodii ama 371 koontiinar oo ka mid ah 510 koontiinar ay ku jiraan beebabka biyuhu way soo gaadheen Hargeysa oo waa kuwaa beebabkii halkan yaala.

Markaa mashruucii biyo-ballaadhinta Hargeysa ee muddada dheer la sugayey hawshiisii way bilaabantay, dhammaan qandaraasyadii waa la bixiyey, qodistii ceelasha waa la bilaabay, qorshihii qodista iyo xidh-xidhitaanka beebabka waa la bilaabay, markaa waxaan aad ugu faraxsanahay in hawshaa wax loo soo samraba ay maanta taagan tahay midho-dhalkii.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa cid kastoo gacan ka gaysatay dalalka qaadhaan-bixiyayaasha iyo dawladda Somaliland, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu nagu guuleeyo inta hadhay,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad.

Somalilandpost.net