Wefti ka socda Shirkad Somaliland Shidaal ka baadhaysa oo maanta Hargeysa yimi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta magaalada hargaysa ku soo dhaweeyay wefti ka socda Shirkad laga leeyahay,Wadanka Turkiga oo dhawaan hawl gal sahamin dhinaca shiidaalka ah ka bilaabi doonta Somaliland .

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo faah faahin ka bixinayay ujeedada weftigan ayaa sheegay in sadex shirkadood ay hore dalka uga wadeen sahamin dhinaca shiidaalka ah,waxa  uu wasiirku xusay in Shirkadan Turkiga ahi bisha labaad ee sannadka soo socda ay bilaabi doonaan sahamin kale oo ay u adeegsan doonaan Diyaarado iyo aaladaha fududeeya shiidaal baadhista.

Madaxa Weftigan ka socda dalka Turkiga oo lagu magacaabo John Herison oo hadal kooban halkaas ka soo jeediyay ayaa sheegay in bisha labaad ee sannadka inagu soo foolka leh ay si rasmi ah u bilaabi doonaan hawshan sahaminta shiidaalka Somaliland isagoo tilmaamay inay la shaqayn doonaan muwaadiniin badan oo u dhashay Somaliland,waxaa kale oo mas’uulkani intaas ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in  mashruucani uu  noqon doono mid lagu guulaysto.

Dhinaca kalena Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo ay weheliyaan Shirkado caalami ah oo ah kuwa shidaalka qoda ayaa Galabta ka degey madaarka magaalada Burco.

Weftigan oo la socday Diyaarad khaas ah oo ka soo degtay galabta madaarka Magaalada Burco, waxay la kulmeen maamulka gobolkaasi oo ay hormuud u ahaayeen Badhsaabka Gobolka iyo Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer ,waxay Mas’uuliyiinta gobolku warbixin ka siiyeen weftiga ,Xaaladda Nabadgelyo ee Gobolka, iyo sida ugu fudud ee shidaal ay uga baadhi karaan gobolka, waxayna maamulka Gobolku u sheegeen in wax badan ay ka saacidi doonaan kuna soo dhoweynayaan Gobolka shirkaddani.

Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedka ay weftigani uu hogaaminayey u yimaadeen dalka, waddamada ay u dhasheen iyo weliba shirkadaha ay ka socdaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net