Wefti ka Socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo si wayn loogu soo dhaweeyey Caasimada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-Wefti balaadhan oo ka socda dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo uu hoggaaminayo Madaxa Xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri isla markaana ay xubno ka yihiin xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Weftigan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa kulan balaadhan oo soo dhawayn ah Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyeen Wasiirrada Caafimaadka, Beeraha, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Kalluumaysiga, Arrimaha dibadda, Duqa caasimadda Hargeysa iyo maareeyaha TV-ga qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay kulankii ay ku qaabileen weftigaasi waxaanu yidhi “Waad ogtihiin oo dalkeena iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xidhiidh weyn oo balaadhan oo soo jireen ah oo aan ugub ahayn. Waxaynu iska kaashanaa dhinacyo badan, waxaynu iska kaashanaa nabadgelyadda sidii nabad loogu wada noolaan lahaa mandaqadda, Ganacsiga,waxbarashada iyo dhinacyada kale ee nolasha bini’aadmigu u baahan tahay oo dhan waynu iska kaashanaa Somaliland iyo Itoobiya.”

“Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waa gobolka innoogu soo xiga ee aynu xadka wadaagno, dawlad deegaanka Soomaalida xidhiidhka innaga dhaxeeya Itoobiya waxa inoo dheeraanaya inaynu ood-wadaag nahay oo labada dal , labada shacbi iyo isu socodku uu muhiimad gaar ah inoo leeyahay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay si kalsamaan ah u soo dhawaynayso weftigan waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay weftigiinu dhammaantiin soo dhawaada, annaga (Somaliland) ayaa dhawr jeer oo hore socdaal ku tagay Jig-jiga. Waxay inagala qeyb galayaan Munaasibadda Ciidul Adxa.”
IMG_0033

IMG_0037

IMG_0043

IMG_0072

IMG_0086

IMG_0112

IMG_0121
Madaxa xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri oo ka hadlay kulankaas ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay meeqaamka sar ee ay ku soo dhawaysay weftigooda, waxaanu tilmaamay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii looga wada tashan lahaa wax wada qabsiga labada dal.

“Dalkan aanu jaarka nahay ee Somaliland waan ku faraxsan nahay inaan markii ugu horeysay aan ku imaado Somaliland, waxaanan ka mahad celinaynaa soo dhawaynta qaaliga ah ee naloo sameeyay.Ujeedada socdaalkayagu waxa weeye inaanu ka wada tashano iskaashiga innaga dhexeeya,”ayuu yidhi Axmed Maxamed Shurgri.

Weftigan waxa kale oo xubno ka ah C/Risaaq Cali Baashe oo ah Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maxamed Faarax oo ah Wasiir iyo C/Risaaq Bootaan oo la taliyaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Somalilandpost.net

Hargeysa