Wefti ka socda Bangiga Horumarinta Afrika oo madaxweyne Siilaanyo uga warramay Ujeeddada Socdaalkooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika oo shalay dalka yimi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, Madaxa weftigu oo  madaxweynaha uga warramay u jeeddada socdaalkooda, ayaa sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaariicda horumarineed ee uu baanku ka wado mandaqada.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Horu-marinta Afrika (African Development Bank).

Madaxa weftiga ayaa  madaxweynaha uga waramay u jeedada socdaalkooda isaga oo sheegay in uu baanka horumarinta Afrika diyaar u yahay inay Somaliland qayb ka noqoto mashaariicda horumarineed ee uu baanku ka wado mandaqada.

Xubnaha weftiga ayaa ku dheeraaday muuqaalka quruxda badan ee ay Somaliland kala kulmeen waxaanay sheegeen in uu soo jiitay marka la eego nabad-gelyada, hour-marka laxaadka leh ee ganacsiga madaxa banana iyo hanaanka dawladnimo ee ka tisqaaday.

Madaxweynaha Somaliland oo weftiga ku soo dhaweyey dalka ayaa uga waramay kartida ay la timid Somaliland ee ay ku dhisatay dawladnimada iyo nabad-gelyada ka jirta, haatana ay u baahan tahay cid ka gacan qabata hour-marka, waxaanu madaxweynuhu soo dhaweeyey booqashada uu baanku ku yimid dalka isaga oo ku dhiiri-gelioyey in ay dhinacooda ku soo dhiiradaan in ay Somaliland wax kala qabtaan horumarka dhinac-yadabadan ee ay u baahan tahay.”

Waa markii ugu horreysay ee Saraakiil sarsare oo ka socota Bangiga Horumarinta Africa ay socdaal ku yimaaddaan Somaliland iyaga oo danaynaya inay ka qayb-qaataan horumarka bulsho iyo siyaasadeedka ee Somaliland ka hana-qaaday.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net