Wefti ka kooban Madaxdhaqameedka, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Aadan Siciid (Warsangeli) oo lagu soo Dhaweeyey Burco

Burco (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka kooban Cuqaal, salaadiin, garaado,aqoonyahan, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka mid ah Beelihii dhowaan shirweynuhu ugu soo xidhmay Deegaanka Carroweyn ee Gobolka Sanaag ayaa Galabta si diiran loogu dhoweyey Burco.

Weftigan oo ahaa xubno laga  soo xulay shirkaasi isla markaana kulan wada hadal ah iyo martiqaad uu u  fidiyey madaxweynaha Somaliland,ayaa ka soo kicitimay Degmada Badhan, waxaana lagaga hortegay  Kantaroolka Bari ee Magaalada Burco

Waxa weftiga halkaasi ku soo dhoweeyey Gudoomiyaha Gobolka Togdheer cabdo axmed ayir, taliyaha qaybta booliska ee Gobolka togdheer, maxmed faarax iyo masuliyiin kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka togdheer oo sheegay in weftigani ay si qalbi furan ah u soo dhawaynayaan xubnaha Weftigan.

Afhayeenka Weftigan Eng  C/salaam Maxmed Xasan ayaa sheegay inay ka kooban yihiin garaado, salaadiin, aqoonyahan , haween, masuliyiinta qaar ka mid ah  degmooyinka ay ka yimaadeen, waxaanu sheegay inay ahaayeen guddi laga soo xulay shirkii ka socday deegaanka Carro weyn,Waxaanu u mahadceliyey madaxweynaha Somaliland.

Ugaas ibrahin cali shibir, suldan xasan cali jibriil, iyo Chief caqil maxamud cabdala Dabshid ayaa dhammaantood sheegay inay u socdaan la kulanka madaxweynaha Somaliland, iyagoo uga Mahadnaqay Maamulka Gobolka Togdheer iyo Waxgaradka kale ee sida Xilkasnimada leh ugu soo dhaweeyay deegaanka Gobolka Togdheer.

Weftigan ayaa lagu wadaa inay maalinta beri ah ka soo ambo baxaan magaalada Burco iyagoo u soo jeeda dhinaca caasimada dalka ee Hargaysa.

Somalilandpost.net