Wefti Jigjiga ka Socda oo Somaliland lagu soo Dhaweeyey

Hargeysa(SLpost)- Wasiirro iyo agaasimayaal ka tirsan dawlad degaanka Ethopia oo uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga ee maamulkaasi ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland iyo Ethiopia halkaas oo ay ku soo marti-dhaweeyeen madax ka tirsan xukuumadda Somaliland madax

 

Wasiirka caddaaladda, wasiiru dawlaha madaxtooyada, wasiir-xigeenka amniga, badhasaabka Gabiley iyo madax kale oo halkaasi kaga hor tagay ayaa si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta, iyagoo tilmaamay in socdaalkoodu ka turjumayo xus ay 29ka bisha leeyihiin si ay ugu xusaan Hargeysa iyo xidhiidhka labada dhinac oo ah mid isku tiirsan islamarkaana wax dhinac saameeyaa dhanka kalena saamaynayo.Wafti Ethiopian ah

 

“Sharaf gaar ah bay noo tahay in aannu idinku soo dhawayno mar labaad dalkiinii labaad, hoygiinii labaad. Marti ma tihidin waxaannu idin leenahay soo dhawaada. Waxa ay ka turjumaysaa xidhiidhka wanaagsanaaday ee labada dawladdood oo aynnu u baahanahay in aynnu  sii xoojinno. Waxa aad u muhiimsan laba dawladdood oo jaar ah oo xuduud wadaagga cadawguna badan yahay, waxa aynnu halkaa ku gaadhnay waa xidhiidh wanaagsan” ayuu ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale waftigan ayaa ka warbixiyey ujeedada safarkooda “Waxaan leeyahay xukuumadda Somaliland aad baad u mahadsan tihiin sida aad noo soo dhawayseen waanaanu idinka filaynay. Waxa annaga noo sharaf ah xuska bisha hiridhaad sagaal iyo labaatankeeda in aannu shicibkayaga kula xusno caasimadda Somaliland ee Hargeysa” ayuu yidhi mid ka mid ah waftiga dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya

 

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland