Wefti ballaadhan oo Xukuumadda Somaliland ka socda oo soo Gaadhay magaalada London

London, 18 March, 2012 (SLpost)- Wefti Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa saaka subaxnimadiii  hore kasoo degay gegida diyaaradaha ee Heathrow International Airport ee magaalada London, waxaana garoonka kusoo dhaweeyey dadweyne aad u fara badan oo ka-kala yimid daafaha dalka Ingiriiska.

Weftiga oo madaarka ugu warramay Saxaafadda, ayaa ugu horreyn aad ugu mahadceliyey dadkii soodhaweeyey, waxaanay ujeedadda socdaalkooda ku sababeeyeen casuumad ay ka heleen dawlada Ingiriiska. Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay Somaliland ka caawinayso tayeynta Ciidamada iyo tababaro ku saabsan sidii loo tayeynlahaa ciidanka Policka Somaliland.

Weftigan uu hoggaaminaya Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Nuur Caraale, waxa ka mid ah Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid, Ku-simaha Taliya Ciidanka, Cabdiraxmaan Liibaan Axmed,lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Amniga  Saleebaan Cumar kujoog, Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Dheere,sadex sarkaal oo ka socda ciidanka Policeka iyo xubin ka socda Garsoorka dalka.

Somalilandpost News