Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Socdaallo Ku Maray Deegaamo ka tirsan Gobolkaas (SAWIRRO)

Badhasaabka Togdheer oo Khudbad u jeedinaya Shacabka Tuulada Shansha-cadde

Burco (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Badhasaabka Gobolka Togdheer  Axmed Cumar  X. Abdillahi (Xamarje), ayaa  kormeer  ku maray degmooyinka hoos yimaadda gobolkaas.

Amba-baxa Weftiga ee Burco
Amba-baxa Weftiga ee Burco

Kormeerkan oo ku saabsanaa xog-ogaal u noqoshada baahiyaha iyo wax-qabadka  ka socda degmooyinka gobolka togdheer , ayaa waxaa  guddoomiyaha ku weheliyey taliyaha qaybta Booliska, Maayirka Degmada Burco, Xildhibaano golaha deegaanka Burco ah,  Isuduweyaasha Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Macdanta iyo biyaha, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka, Beeraha, Qorshaynta,  Hawlaha guud iyo Hay’adda shaqaalaha.

Weftiga oo ku sugan Degmada Qorulugud
Weftiga oo ku sugan Degmada Qorulugud

Sidoo kale Socdaalkan uu badhasaabku ku gaalaa-baxay degmooyinka gobolka Togdheer, waxaa kaloo ku weheliyey Haayadaha caalamiga iyo kuwa wadaniga oo ay ka socdeen Caritas, Mid Air, Bisha Cas , NRC, Havayaco iyo Candlight.

Gacankan oo dhibaato wayn ku haya tuulada Waraabeeye xilliga roobabka
Gacankan oo dhibaato wayn ku haya tuulada Waraabeeye xilliga roobabka

Waftigaas oo  mudo laba maalmood ah kormeerayey si  dhab ahna ugu kuur -galay  baahiyaha xaasaasiga  ah ee ka jira dhamaan deegaanadan ama degmooyinka gobolkan hoos yimaada  oo kale ah :

Dadwaynahan oo si diiran waftiga ugu soo dhawaynaya tuulada War-Cimraan
Dadwaynahan oo si diiran waftiga ugu soo dhawaynaya tuulada War-Cimraan

Waraabeeye, Harada guba texel ,Yucub yabooh ,Bisiqa,  Duriqsi  , Riyo xidho, Dhoqoshay , dhagax dheer, dharyalay, Balay dhiis, Taala buur, Balay calanle, Qorilugud, Shanshacade, Warcimraan , Qoryaalay.

Badhasaabka Togdheer oo Khudbad u jeedinaya Shacabka Tuulada Shansha-cadde
Badhasaabka Togdheer oo Khudbad u jeedinaya Shacabka Tuulada Shansha-cadde

Muddadii uu waftigani ku gudo-jiray Kormeerka,  waxaa aad u soo dhaweeyay dhamaan Odayaasha,  Haweenka  iyo dhalinyarada Degmooyinkaasi. Iyagoo aad ugu riyaaqay masuuliyiinta qaran ee booqashada ugu yimi.

6Gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa dadkii degaanadaasi u iftiimiyay ujeedada dhabta ah ee ay u socdaan oo uu sheegay in ay tahay sidii ay u ogaadaan lahaayeen baahiyaha  ka jira deegaamadaas islmarkaana uu ku indho-indhaynayo  waxa u qabsoomay Haayadaha kala duwan ee dawliga ah ee gobolkaasi ka hawl-gala.

7Dhamaan dadwaynihii deegaanadaasi ayaa si farxad leh usoo dhaweeyey weftiga. Waxaanay ugu hambalyeeyeen si niyad-sami ah, iyagoo sheegay in weligood aanay arag wafti baaxadaas leh oo u kuur galay baahiyahooda. Marka laga reebo ayey yidhaahdeen xilliyada olalaha oo ay sheegeen inay soo mari jireen Kolonyada Cod urursiga uun u socda.

Waftigaasi ayaa intii ay ku gudo-jireen kormeerka la kulmay baahiyo badan oo ka jira deegaamadaasi, waxaanu gudoomiyaha gobolka togdheer iyo waftigiisuba ay ku ballan qaadeen in si dhakhso ah ay uga hawl-gali doonaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanadaasi kala duwan.

8Guud ahaan gobolka Togdheer waxa ka curtay roobabkii Gu’gu, Waxaana gabi-ahaanba dhulkii uu weftigu maryey jiifay xareeddii raxmaadka. Waxaana si mug leh u jabay abaarihii ka jiray degaanadaasi.

SOMALILANDPOST.NET