Weeraro ka dhacay dhulka Israel haysato

Dhowr weerar ayey Falastiiniyiintu ku qaadeen dhulka ay Israeli haysato ee daanta galbeed, iyadoo halkaasi ay kumanyaal dalxiisayaal ah isugu yimaadeen si ay ciidda masiixiga ugu dabaaldegaan dhulka barakeysan.

Hal weerar, ayaa labo ka mid ah ilaalada ammanka lagu tooreeyay dhulka Yahuudda la dajiyay, halka weerar kalena uu Falastiini isku dayay inuu boolfure ku weeraro ciidamo. Dhacdo seddaxaad ayuu nin isku dayay inuu gaari jiirsiiyo ciidamo joogay goob militeri.

Dhammaan seddaxdii Falastiiniyiin weerarka soo qaaday,ayaa toogasho lagu dilay. Ammaanka, ayaa la adkeeyay iyadoo magaalada Beytalaxam isu diyaarineyso inay qaabisho dadka ku cibaadeysana cidda masiixiga kinisada Nativity.

Ilaa bishii september, 22 askari iyo 130 falastiiniyiin ah, ayaa lagu dilay dhacdooyin tooreeyeen iyo toogasho ahaa.