Weerarkii lagu Qaaday Ciidamada Qaranka – W/Q: Suleiman Adan Dheere

Duluda maqaalkan oo ku salaysan weerarkii lagu qaaday ciidanka qaranka; kaas oo gaystay dhimasho iyo daawac aan loo baahnayn. marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen ciidankii ku geeryooday weerarka iyo eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen dadkii ku nafwaayey weerarkii; Iyada oo dhinac walba ahaa dad reer somaliland ah. Kuwii ku dhintay na ilaahay naxariis tii jano ka waraabiyo. Hadaba inaga oo og in uu aduunka oo dhan ka jiro muran degaan iyo siyaasadeed; Waxaa anigu qabaa in aanay xabadi xal keenan. Amase aanay u wanaagsanayn umad ku faanta nabad; Iyo weliba Caasimadii wadan ka; Taas oo la oran karo arintani waxay gees ka riday dadkii ku faani giray nabada reer Somaliland iyo geedi socodii barwaaqada iyo citiraafka. Waxay kale oo ay dib u dhigtay dadkii ku talo jiray in maal gashadaan magaalAda caasimada Somaliland (Hargaysa) oo looga bartay Nabad iyo hore mar.

Nabadu waa aasaska horu marka; Tusaale kooban magaalada London waxaa jiro 5000 (Police) oo dirayka gashan; 5000 oo CID ah (Dhar cad) iyo 5000 oo ah been ma sheega yaal aan lacag ku qaadan shaqaadaas. Sugida nabada iyo taageerida shacab ku waa ta keentay in London ay ka shaqaytaan 16 Million oo qof si nabad gelyo ah habeen iyo maalinba. Hada waxa mudan in aynu is waydiino maxaa keenay in ciidankii wadanka heegan u ahaa in lagu duulo. Iyado ay jirto dawlad hoose; Dawlad dhexe; Oday dhaqameedo; Gole guurti; Arinta oo u muuqata soo noolayn beelihii aynu soo dhaafnay iyo kalsooni daro dawladeed. Waxay dad badani aaminsan yihiin in arintan tahay midhihii ka dhashay shirbeeleedii is daba joogay ee dalka Somaliland. Amase kan lagu tilmaani karo Shir Beeleed yar oo ka dhashay shir beeleed yadii hore. Aniga oo rumaysan in shil kan lagu deg degay; Uu na yahay arin aan loo dhamayn; taladeeda amase beeli ka tashatay. Waxaan talo ku soo jeedin lahaa in dadwaynaha reer Somaliland la shaqeeyaan dawlada; Wixii khilaaf ahana lagu dhameeyo wada hadal; Dhul waa la helaa ee naf baxday lama heli karo. Dhinaca kale ee dawladana; Waxaan kula talin lahaa in dawladu maal iyo waqtiba ku bixisiyo nabada caasimada iyo dalka somaliland guud ahaan; Isla markaana diyaar u ahaato fulinta sharciga hadii laga maarmi waayo. Xad na loo sameeyo shir beeleed dada aan kharash iyo khasaare mooyee wax kale lahayn.

Suleiman Adan Dheere

London