Weerarkii Huteellada Muqdisho Ee Al-shabaab Oo Soo Afjarmay Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay

Muqdisgho, (SLpost)- Ugu yaraan 18 qof , ayaa ku dhintay weeraro ay kooxda Al-shabaab ku qaaday laba huteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho.weerar

12 k amid ah dadka dhintay ayaa waxay ahaayeen kooxdii weerarka ku soo qaaday huteelada Weheliye iyo Siyaad. Sidoo kale 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weeraradaasi, sida uu boolisku sheegay.

Ciidamada amniga ayaa sheegay inay soo afjareen weeraradaasi.

Waxa dagaalku ku bilaabmay baabuur lagu qarxiyay afaafka hore ee labada huteel kadibna rag hubaysan ayaa xoog ku galay, iyagoo rasaas ridaya.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay weerarka ku qaadday labada huteel oo ku yaalla badhtamaha magaalada Muqdisho.

Wararka qaar, waxay sheegayaan inay huteeladaas deganaayeen siyaasiyiin kala duwan.

Toban daqiiqo ka hor weerarka huteelada, ayaa tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray.