Weerar Ismiidaamin ah Oo Lala Eegtay Maxkamadda Islamabad-Pakistan

Pakistan(SLPOST)Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay weerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen xarunta maxkamada caasimada Pakistaan ee Islamabad.

maxkamada-islamabad1

Weerarkan ayaa la sheegay inay fuliyeen labo nin oo watay bambaanooyin kuwaasi oo kahor inta aysan isku qarxin xarunta dhexdeeda, rasaas iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro la beegsaday dadkii ku sugnaa xarunta maxkamada.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah xaakimkii maxkamada Islamabad, weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof.

Weerarkan ayaa kusoo beegamaya xili kooxda Talibanka ay maalin kahor ku dhawaaqday xabad joojin socon doonta muddo hal bil ah.

Ma jirto weli cid sheegatay weerarka subaxnimadii isniinta ka dhacay magaalada Islamabad oo in muddo ah ka badbaaday weerarada isdaba jooga ah oo ay kooxda Talibanka ka waday wadankaasi Pakistaan.

 Somalilandpost.net

Office/Hargeysa/Somaliland