“Waynu aragnay muslimka meelo lagaga adkaaday in masaajidadii loo bedelay Kiniisado” – Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

Hargeysa (SLpost)-  Sheekh Maxamed Sheekh Cumar (Dirir) ayaa shaaca ka qaaday in muhiimada jihaadku tahay in dawlada islaamku yeelato cududii ciidan ee ka difaaci lahayd cadowga, si ay u taabagasho.

Sheekh Maxamed Dirir oo xalay kelmad ka jeediyey ku saabsan aayado lagu tukanayey salaadii taraawiixda ayaa sheegay in muhiimada jihaadku yahay siduu u baqdin gelin lahaa cadowga islaamka, una soo hawaysan awliyadiisa, sida Ilaahay ayaada qu’raanka inoogu sheegay, waxaanu yidhi,

Sheekh-Dirir.com_“Jihaadka hadafkiisu waa inuu u quusgooyo gaalada iyo munaafiqiinta isxambaarka ah, oo markay arkaan awooda islaamku quusanaya.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey faa’iidooyinka jihaadku u leeyahay ummada islaamka ayaa sheegay inaan la heleen nabadgelyo loogu cibaadaysto masaajidada,

“Hadii aanu jirin jihad ay muslimiintu ku difaacaan gaalada waxay dumin lahaayeen muqadasaadka, sida masaajidada, waynu aragnay muslimka meelo lagaga adkaaday in masaajidadii loo bedelay kiniisado.

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in muhiimada jihaadku tahay in lagu ilaaliyo diinta, dadka, dalka iyo dawladooda islaamka ah, waxaanu yidhi,

‘Muhiimada jihaadku waa in lagu ilaaliyo diinta, dadka, dalka iyo dawlada islaamka, hadii afartan awood lagu ilaaliyo la waayana, xaqiiqdii wax walba wuu fasahaadayaa.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in dhowrkaa qodob aynu ka sheegi karno arrimaha soo hoosgelaya ama sirta jihaadka diinta islaamku u dhigtay yahay shay diini ah oo cibaado ah, oo aan xaqdaro, aargoosi iyo ifsaad midna ahayn.