Way rumawday!

Farxadda iyo dhoollacaddayntu waa mid uu isaga dhashay. Waxa loo yaqaannaa Farxaan oo waa magacii ugu horreeyay ee loogu yeedhay dharaartii koowaad ee uu dhaayaha saaray dunida. Waa curad oo reer buu udub u yahay, kalgacal iyo nagaanshiyo ayay ku soo kordhisay dhalashadiisu qoyskooda. Aabbihii Ugaas maalintii loogu bushaareeyay dhalashadiisa waxa uu gawrac ku jiiday oo uu dhuunta ka lisay awr iyo laba wan oo waawayn, kuwaas oo uu ugu talo galay magac bixinta iyo wanqasha curadkiisa uu ku goblan baxay.

Bilawgii noloshiisa Farxaan waxa uu la kulmay koolkoolin iyo daryeel haqab la’aan ah. Aabbihii Ugaas iyo hooyadii Cosob indho kale ma leh oo isaga ayaa curad iyo guuridanbaysba u ah. Wax ka horreeyay may dhalin wax kadanbeeyayna haba sheegin. Taas ayaa sababtay Farxaan in uu noqdo wiil ku kora raynrayn, riyaaq iyo u raxlayn joogto ah.

Waxa uu ka soo gudbay da’dii dhallaannimo, haddana waa carruur oo waxa uu la dheelaa barbaarta ay daris wadaagta yihiin, kuwaas oo uu kanbalka gurigooda kula raaco maqasha. Habeen isaga oo hurda ayuun buu Farxaan isla sara kacay oo sasay, markaas buu qaylo iyo oohin isku daray. Waxa ku toosay waalidkii, shaydaankaa laga naaray markaasaa inta la dajiyay dib loo seexiyay. Markii uu waagi baryay ayaa la waydiiyay Farxaan “maxaa xalay kugu dhacay ee aad la sastay lana qaylisay?”.

Haba waydiin lahayda! Wuu aamusay waxoogay. Aamuskii haddana laguma dayn ee waa lagu celiyay waydiintii mar labaad. Isaga oo aan jeclaysanayn waydiintan lagu celceliyay ayaa si ay ku jirto murugo uu u yidhi: “Waxa la i tusay hooyaday oo god lagu ridaayo iyo aabbahay oo ka dul ooyaaya godkii lagu riday hooyaday.”

Murugo iyo madow badani waxa uu fuulay aabbihii Ugaas, oo ahaa ka wax waydiiyay. Ma helin naxdin daraaddeed wax uu ugu warceliyo wiilkiisa, markiiba waxa maskaxdiisa ku soo dagdagtay odhaahdii Soomaliyeed ee ahady: “Riyada xun lama sheego, samada ayay ku daldalan tahay oo haddii la sheego way soo dagtaa”. Waxa mar kaliya maskaxdiisa ku sawirantay Cosob, waxa horyimid kalgacalka iyo faraxadda uu u qabo, haddana waxa hortimid riyadii wiilkiisa, waa labo kala tagan. In muddo ah markii uu kolba wax suuraysanaayay Ugaas ayuu sidii qof la haystay oo la siidaayay uu u soo booday oo uu ku dhagay wiilkiisii Farxaan, markaas ayuu ku yidhi: “Aabbo, wiilkaygiiyoow, hooyo way inala joogaysaa intii uu Ilaahay inoo oggolaado, ee waxaan kugula dardaarmayaa oo aan kaa codsanayaa in aanad riyadan u sheegin cidna, adna aad iska liqdo oo aad illawdo.” Farxaan hadal kama keenin ee wuu oggolaaday codsigaa aabbihii uga yimid.

Riyadaa intii ka danbaysay Ugaas mar kasta oo ay ishiisu ku dhacdo Cosob iyo wiilkeeda oo wada qoslaaya ama wada ciyaaraaya inta uu ilmeeyo oo uu xasuusto riyadii Farxaan ayuu ka leexda halka ay ku sugan yihiin. Cosob oo ah marwo gingiman oo u dhalatay giigsanaan iyo gaarinimo sidii awalba caadada u ahayd way kacday si ay u gudato hawlaheeda adduunyo ee sugaaya sida: Adhi lis, digo guris, iidaan samayn, caws la soo guro iyo mid kale oo ay samaysaba.

Waa hiimse hiimse oo wali waagi si fiican uma dillaacin, markii ay kacdayba waxa ay hore ka gashay xeradii adhiga oo ay is tidhi bal eeg in ay tahay sidii aad kaga tagtay iyo in lagaaga danbeeyay oo ay wax kuu dabo mareen. Haddii ay gashayba xeradii oo ay markaas uun dhaaftay ooddii afsaarka u ahayd adhiga, intii aanay dhaafinba muscirirta ayuun baa lagu dhagay. QAAQ! Inta ay tidhi ayaa ay is qabatay lugta bidix oo ah ta lagaga dhagay. Wali may garan waxa ku dhagay, ee ka qaaq siiyay laakiin waxa ay garwaaqsatay wax uu noqdaba in bahal qaniinay.

is hayn kari wayday, iyada oo aad u damqanaysa ayay daf tidhi gurigii oo ay dib ugu noqatay, waxa booday oo sanqadheedii iyo rafashadeedii ku toosay Ugaas. Isaga oo dhalalawsan haddana naxsan ayaa si ay ku dheehan tahay naxariisi uu ku yidhi: “Cosob, maxaa dhacay,bisinka! Sidee wax u jiraan?” “Ugaasoow, ma garanaayo wax i qaniinaye, xerada adhiga ayuun baan is idhi gal intii aanan hore u wada galin ayuun baa lugtaa bidix la igaga dhagay”, ayay ugu jawaabtay. Ugaas inta uu kacay oo uu la booday toosh ag yaallay ayuu dagdag u abbaaray xeradii adhiga, waxa uu raacay raadkii Cosob iyo agagaarkii ay martay. Cabbaar ka dib ayuun buu halkii uu taagnaa hoos u eegay,mise haba eegin lahaydaa! Si kadis ah ayuun buu u arkay mas wayn oo ah ka loo yaqaano Good oo halkan is kala jiidjiidaaya . Tin iyo cidhib waxa la saaqay Ugaas, jidhidhico ayaa mar kaliya ku is taagtay oo ku jabtay jidhkiisa. Inta uu dareemay naxdin iyo baqo isku jira ayuu haddana iska dayay karitidii ragganimo. Isaga oo maqiiqan ayuu dib ugu noqday gurigii waxa uu soo qaatay garmaqaate wayn oo uu u diyaarsaday in uu iskaga difaaco cadawga dad iyo xayawaanba. Mar kaliya ayuu QAW! kaga sii yay maskii oo uu bashaaqiyay maskaxdiisiina canaha ka dhigay. Waxa uu kula dhacay cadho iyo ciil uu u qabay, maskii Good oo loo dacareeyay tifiqdii dhiigga ahayd ee Cosob ayaa meel hal keera naf la caarid ugu dhacay, ilbidhiqsiyo gudahoodna naftii mabay ku sii hakan ee way ka haadday.

Ugaas markii uu ka faaruqay Good ee uu barbar iskaga riday ayuu u kacay xaggii Cosob si uu u dabiibo oo uu dhir dhaqameed iyo wax ugu daaweeyo. Suntan maska iyo waabaydiisana uu ula dagaallamo, xaaskiisuna ay ugu bogsato. Cosob waxa ku sii kordhay garaacii iyo kaarkii hayay, waagii ayaa toos u baryay waxayna awoodi wayday in ay adhiga maasho. Mar kasta oo uu xanuunku ku sii kordho Cosob Ugaasna waxa ay u ahayd murugo iyo meer meer, war war iyo meehannaw. Waxa kolba maankiisu uu soo xusuus ceshadaa riyadii Farxaan, oo uu ka baqo qabo in ay rumawdo.

Haddii ay Cosob maalintii oo dhan xarbi iyo xanuun u ahayd gabalkiina u dhacay waxa ay hadda qabtaa boogtii maska  afar caano maal, waxa ay u yara muuqataa sidii wax soo ladnaanaya oo kale. Shoow ladnaanshiyoba maaha ee wadkii ayaa soo sara fadhiisiyay. Qof wayni wadkii waa yaqaan ayay Soomalidu ku maah maahadaye Cosob waxa ay u yeedhay saygeedi Ugaas. Agteeda ayuu soo fadhistay, isaga oo wajigiisa diif iyo daranyo hadda uun bilaw u ahi ay dusha ka saaran tahay. Cosob waxa ay bilawday dardaarankii ay ku sagootinaysay Ugaas iyo wiilkeeda curad ee Farxaan.

“Ugaasoow, waxa aan u malaynayaa sida ii muuqata in ay taydii tahay oo aan adduunyada nabad galyaynaayo, waxa aan kaaga tagayaa reer dhan oo dhisan. Waxaan kugula dardaarmayaa inta aad iga nolol danbayso in aad wiilkeenna aynu adduunka oo dhan kaligii ka eeganno aad ilaaliso oo aad kor iyo hoosba u ogaato. Haddii aad dabaday guursato waxaan kaa codsan lahaa in aanad i hilmaamin ee aad ii soo ducayso xoolahana wax ii soo sadaqayso marka aad i xasuusato ee aad awood u yeelataba. Waxa aan kaa ahay raalli oo dhib kaa tirsan maayo adna in aad isaamaxdo ayaan kaa rabaa.”

Ugaas awalba maqane jooga ayuu ahaa oo sidii uu wiilkiisu ugu sheegay riyada maankisa iyo miyirkiisuba caadi may ahayn, se maanta ayay ugu daran tahay oohin qalbiga ka soo go’aysa oo indhaha uga socota si bilaa dareen ah mooyee wax kale laguma oga. Weedhahaa ka soo baxay afka Cosob mid waliba waxa uu sida dhimbiisha dabka oo kale ugu dhacayaa qalbiga Ugaas. Isaga oo aan wali eray ka soo bixin Ugaas oo gacmaha haya Cosob ayuu Farxaan oo ordayaa dalaq soo yidhi gurigii. Waxa uu mar qudha isha ku wada qabtay Aabbihii iyo hooyadii oo dareen nooc kale ah kana duwan kii uu uga bartay ku hadhaysan yahay.

Waa wiil yar oo Alle ku galladay garasho fog, faciina ka fikir sarreeya. Sidoo kale waa naxariis miidhan, dareen kasta oo yimaadaana raadkiisa ayuu kaga tagaa. Waxa uu soo fadhistay badhtanka labada waaxood ee hooyadii Cosob iyo aabbihii Ugaas. Waxa uu daawanayaa labadooda oo kolba mid ayuu eegaa oo uu ku riyaaqayaa, waxa uu ku dheel dheelayaa dhabta hooyadii oo ku sugan ilbidhiqsiyihii ugu danbeeyay nolosheeda. Cosob inta ay soo qabsatay Farxaan ayay laabta galisay oo ay dhunkatay dhunkasho sagootiyaysan. Xaaladdu sidii hore ma aha ee way is baddashay Cosob, Ugaas inta u dareemay oo uu kii yaraa ka qabtay ayuu ku yidhi: “Aabbo, orod maqashii inoo eeg.” Sidaa markii uu kadinka u dhaafay Cosob way dhacday iyada oo ashahadanaysa sidaas ayay naftiina kaga baxday. Taloow maxaa Farxaan u danbayn doona? Marka uu ogaado geerida hooyadii siduu noqon donaa? Ugaas se ma guursan doonaa gabadh kale mise ……. Mooyi!!!

 

Nada Yuusuf Cumar

Umuayuub2011@hotmail.com

Bahda Hiil Qalin