“Way naga go’an tahay (Xukuumadda) waxaad rabtaan (Shacabka) ee ah gooni-isu-taaggiinna, midnimadiinna, madax-bannaanidiina inaanu ka shaqayno”

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in ujeeddada kulanka ay wada-hadallada ku yeesheen madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ee magaalada Jabuuti ay ahayd mid lagu muddeynayey soo-gunaanadista wada-hadallada daba-dheeraaday ee u dhexeeya labada waddan.

Maxamed Biixi yoonis oo warbaahinta kula hadlayey madaarka magaalada Hargeysa, ka dib markii wefti uu ka mid yahay oo madaxweyne Siilaanyo u hoggamiyey waddanka Jabuuti ay dalka ku soo laabteen maanta, waxa uu sharraxaad ka bixiyey qodobbada ku xusnaa heshiis lix qodob ka kooban oo Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray dalka Jabuuti.

DSC_0295“Waxa ugu muhiimsan ee meesha aanu u tagnay waxay ahayd inaanu ka wada-hadalno sidii loo dar-dargelin lahaa wada-hadalladii oo yar hakaday sidii wakhti gaaban arrimaha innaga dhexeeya Soomaaliya loogu soo afjari lahaa. Arrimaha ugu waaweyn ee aanu ka wada-hadalnay waxa ka mid ahaa sidii looga wada-hadli lahaa looguna dhiirran lahaa masiirka shacbiga Somaliland.

Labada madaxweyne waxay isla garteen in arrimahaa lagu dhiirrado oo aan laga joogsan, waayo qadiyadda Somaliland waxa go’aansaday shacbigeeda,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

“Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay oo isla garannay maadaama oo aannu annagu wada-hadlayno in dadku ina dhex-galo oo khaasatan waxaanu goynay in dowladda Jabuuti ay marag ka noqoto markii loo baahdo. Waxa kale oo aanu isla garannay wixii hore loogu heshiiyey oo Hawadu ugu horeyso oo ay dhowr jeer ka noq-noqdeen oo labada madaxweyne waxay isla garteen oo wada-saxeexeen in la fuliyo wixii lagu heshiiyey iyada (Hawada) iyo wixii la mid ahaa. “

Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aanu ku heshiinnay wax alla wixii dhaqaale ah, horumarin ah, dib-u-dhisid ah ee aynu u baahan yihiin in aan la siyaasadayn oo Somaliland u madax-bannaanaato inay mashaariicdeeda, horumarkeeda, dhaqaalaheeda iyo wanaageeda ka shaqaysato. Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay in sida ugu dhakhsaha badan aanu u qabanno shirkii bisha Feebarwari 26-keeda iyo 27-keeda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka midho-dhalinayso rabitaanka shacabka Somaliland ee madax-bannaanidooda, waxaanu yidhi, “Waxaanu u mahad-celinaynaa dawladda Jabuuti, shacbigeeda iyo madaxweynaheeda oo gogosha noo dhigay, isu-kaaya keennay, ogsoonna shacbiga reer Somaliland waxay u baahan yihiin inay tahay midnimadooda iyo gooni-isu-taaggooda, mid laga noqonayana aan ahayn, taas oo aanu si aad iyo aad ah carrabka ugu dhufannay, una sheegnay in wakhti intaas ka badan umadda reer Somaliland marnaba aanay sugi karayn. Markaa Somaliland waxa ka go’an sida ugu dhakhsaha badan inaanu arrimahaas uga wada-hadalno, insha Allah waxaanu Illaahay ka baryeynaa inuu nala gacan qabto. Way naga go’an tahay (Xukuumadda) waxaad rabtaan (Shacabka) ee ah gooni-isu-taaggiinna, midnimadiinna, madax-bannaanidiina inaanu ka shaqayno oo aynu noqonno laba waddan oo jaar ah oo Islaam ah.”