“Way isugaysaa Berrito Fartayda eedayeey…iska diyaar baan ahay anigu…” – Madaxweynaha la doortay Muuseu Biixi Cabdi

Waxa uu ka hadlay sida uu ula dagaallamayo dhaqannada waxyeellada ku ah dawladnimada iyo hantida qaranka ee uu musuqu ka mid yahay

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee qabsoontay badhtamihii bishan November 2017, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan ballaadhan oo mahadnaq ah la qaatay guddiyadii ololaha xisbiga KULMIYE ee gobollada dalka Somaliland.

“Way isugaysaa Berrito Fartayda eedayeey…iska diyaar baan ahay anigu…” – Madaxweynaha la doortay Muuseu Biixi CabdiKulankan oo ka  qabsoomay xaruntii ololaha xisbiga KULMIYE maanta, kana qaybgaleen xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo wakiillo kala matalayey guddiyadii ololaha ee gobollada, ayaa madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan ugu jeediyey guddiyadaasi kala duwan ee doorashadii xisbiga KULMIYE uga hawlgalay dalka waqtigii ololaha doorashada lagu jiray, isagoo ku ammaanay xubnahaasi inay doorkii ay ka qaateen dib-u-doorashada xisbiga ee mar labaad iyo guushii uu ka soo hooyey doorashadii la galay.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

https://youtu.be/iJ4fyeDcyZs