Waxyeelada Wadka Waddada – W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan

maxamed fuaad xasanWaxa maalinba maalinta ka dambeysa isa soo taraysa khatarta iyo dhibaatooyinka ay gaadiidku ku hayaan bulshada ee dhinaca shilalka oo sababa dhimasho, dhaawac iyo bur-bur hantiyeed intaba.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa ay haddana hantida ugu badan ee dakada dalka ka soo dagtaa noqotay baabuur, baabuurtu iskuma jirtee weliba kuwooda yar yar ee aan danta guud waxba ka tarayn ta shakhsi ahaaneed mooyee.

Maan hilmaamin inay faaiidooyin leeyihiin baabuurta yar yar laftoodu laakiin waxa qurux badan in sida uu qofka wataa waxtarkiisa u jecelyahay  qofka dhinac socdana naftiisa u illaaliyo Illaahay baa wax ilaaliyee.

Dareenka igu dhaliyay qoraalkan ayaa ah mid ay murugo iga keentay, waxan arkay todobaadadan u dambeeyay baabuur jiidhay dad oo iska daa in qofkay  jiidheen ay qaadaan oo dhakhtarka geeyaane baxsanaya markay shilka geystan arrinkaasi oo ah wax inagu cusub.

Haddaba waxa marag madoon ah in aad ugu yaraan maalin walba ku aragto jiddadka kala duwan ee dalka shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac ama sababay inay hanti ku bur burto hadday ahaan lahayd guryo iyo meherado ama meel bilicda magaalada qurux u ahayd , shilalka gaadiidka ayaa intooda badani ugu khasaare xun yihiin kuwa ka dhaca dhinaca jiddadka ama laamiyada waaweyn ee isku xidha goboladda iyo dagmooyinka dalka, iyaddoo ay ugu wacan tahay waddada oo gabi ahaanba  gaadiidka marayaa ka yar yahay sidii magaalooyinka iyo xadiga wadayaasha gaadiidka ku jira safarku ku kaxeeyaan baabuurta oo aad u sareeya taasina ay sababayso in hadii uu wax si kadis ah uga hor yimaado ay  khatar galin karto dhamaan noloshii iyo hantidii dadkii saarnaa gaadhiga .

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadii dalka Somaliland ayaa iyana noqotay meelaha ugu shilalka badan oo aan odhan karo waxa maalin kasta ka dhaca dhimasho ama dhaawac gaadhi sababay hadii kalena hanti bur burtay oo aan khasaaraheeda la yaraysan karin.

Su’aasha is weydiinta muddan maxay tahay waxaa sababay in shilalka gawaadhidu ku bataan dalkeena gaar ahaan magaalada caasimada?, Waayo cida ay masuuliyadu ka saran tahay xakameynta shilalka baabuurtu?, Ugu dambayn side ayaa loo yarayn karaa shilalka?.

Waxyaabaha sababay in shilalka gawaadhidu ku badato caasimada hargeysa ayaa ah:

  1. Gawaadhida oo aad ugu badan magaalada caasimada ah iyadoo aad moodaba in ay waayahan dambe ka badan yihiinba dadka gaar ahaan baabuurta yar yar ee iyagu u badan nooca loo yaqaano Automatic.
  2. Darawaliinta qaarkood oo aad arkayso iyagoo ku hadlaya telefoon xilliga ay socdaan.
  3. Wadooyinkii dhex mara caasimada oo noqday qaar cidhiidhi ku ah baabuurtii iyo dadkii, in ay ku kala nabad galaana adkaanayso.
  4. Baabuurta oo aanay wadin darawalo aqoon u leh wadista baabuurka ama aan haysan liisankii darawalnimo, taasina ay sababayso in kolba qofkii u baahda in uu gaadhi kaxaysto ay u fududahay siduu ku marayo waddada.
  5. Baabuurta oo imika noqday qaar inta badan la kiraysto iyada oo aanuu qofka kiraynayaa su’aalin kiraystaha liisankii darawalnimo iyo aqoonta uu u leeyahay wadista gaadiidka.
  6. Ciidamadii ilaalinta nabad gelyada wadooyinka oo intooda badani eegaan shillin.

Haddaba waayo cidda ay masuuliyadu ka saran tahay xakameynta shilalka baabuurtu.?

Ugu horeyn dawlada gaar ahaan wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka oo ah cidda leh ruqsad bixinta dirawalada iyadoo imtixaamta qofka la doonaya liisanka laakiin ay yartahay cidda isku hawsha liisaan samaysashada baabuur wadista, mar labaadka ciidanka ilaalinta nabadgelyada wadooyinka ayaa leh masuuliyada wax ka qabashadda shilalka gawaadhida iyo anshax marintoodaba, waxaan iyaguna meesha ka maqnayn wadayaasha baabuurta oo ay masuuliyad iyo feejignaan dheeraad ahi ka saaran tahay ilaalinta nabadgelyada wadada si ay uga badbaadaan inay qof waxyeelaan ama iyaga wax soo gaadhaanba.

Ugu dambeyn side ayaa looga hortagi karaa ama loo yarayn lahaa dhibaatada shilalka.?

Waxa looga hortagi karaa ama lagu xakamayn karaa khatarta shilalka baabuurta:

  1. In tababar iyo qalaba la siiyo ciidanka ka shaqeeya wadooyinka si loo tayeeyo sugida nabadgelyada wadada loona sameeyo saldhig waaxeedyo ka dhaw rugtooda.
  2. In lasoo saaro xeer mamnuucaya in cid aan liisan baabuur haysani kaxayso baabuur iyo in ciddii la arko isagoo/iyadoo ku hadlaya/sa telefoonada gacanta  wada lagu soo rogo ganaax iyo ciqaab.
  3. In baabuurta rakaabka qaada sida basaska lagu amro in ay albaabka kuwooda bidixda ku leh u badalaan dhanka midig si qofka naftiisu u bad baado.
  4. In la cayimo loona sameeyo xaddi go’an oo baabuurtu ku dhex marto ama ku hor marto suuqyada, cusbitaalada, iskuulada iyo goobahay dadku ku badan yihiin.
  5. In calaamadaha tilmaama xaddiga wadooyinka lagu xidho meel laga arki karo oo si fudud dirawalku u milicsan karo fahamsanyahayna waxay calaamadu u taagantahay.
  6. In dadka lagu dhiiri galiyo in ay balaadhiyaan ama aanay dagin meelaha wadooyinka.

Wabilaahi Tawfiiq.

W/Q: Maxamed Fu’aad Xasan (Dhagacade)

Araday Ka Tirsan Kuliyada Sharciga Jaamacad Hargeysa, Ahna,

G/ Ku Xigeenka Bahda Hal-Abuurka Iyo Qoraalka Ee (HAL-QOR)

E-Mail: Xiinfiniin_10@Hotmail.Com