Waxyaabaha Xoogga lagu saarayo Shirweyne Magaalada Hargeysa uga furmay Somaliland iyo Deeq-bixiyeyaasha Caalamka (DHEGAYSO)

Sacad Cali ShireHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha lixaad ee Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Somaliland ka taageera dhinacyada Horumarka iyo Doorashooyinka, kaas oo ay goob-joog ka ahaaayeen in ka badan 70 Sarkaal oo ka socday hay’adaha iyo Safaaradaha dalalka Reer Galbeedku ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee xoogga lagu saarayo wejiga 6aad ee shirka Qaadhaan-bixiyaasha iyo Somaliland, waxa ka mid ah doorashooyinka la filayo sannadka dambe inay ka qabsoomaan dalka iyo sidii dib loogu eegi lahaa mashaariic horumarineed oo Somaliland loogu qoondeeyey shirweyne Sannadkii hore ka dhacay Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, kaas oo lagu kala saaray mucaawimooyinka beesha Caalamku ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo warbaahinta uga warramay ujeeddada shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda wax-qabadkooda lagaga hadlayo shirkan oo muddo laba maalmood ah socon doona.

 

SOMALILANDPOST.NET