Waxyaabaha Garta lagu waayo – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Afar arrimood ayaa garta lagu waayaa, waxayna kala yihiin:

1.       Af-waa (hadal-garanwaa)
2.       Habrasho (dhiirasho la’aan)
3.       Cadayn la’aan
4.       In lagaa eexdo

Faahfaahin:

  1. Af-waa (hadal-garanwaa): Waa qofka oo garan waaya qaabka iyo hadalka uu ku sharaxayo doodiisa, markuu joogo goobta loogu garnaqayo qofkay is-hayaan. Guud ahaan dadku isku mid maaha waa tii la yidha” illaahayna la kala baryi og hadalkna la kala odhan og”. Maaha shay khasab ah inaad hadalka taqaano oo aad ku qarnaqsad weydo. Waxa hore u dhici jirtay qofkii aan hadalka aqoonini inuu soo kaxaysan jiray qof uu gartiisa u dhiibto oo soo wakiisho, una hadla. Nimanka garta qaadaya ayaa hubinaya inaad soo wakiilatay iyo in kale. Laakiin haddii aad garta gasho adigoon hadli karayn waa lagaa gar heli.
  2. Habrasho (dhiirasho la’aan): abuur ahaanwaxa jira dad aan dhiiran markay wax sheegayaan. Waa arrin khatar ku ah qofka garnaqsanaya inuu muujiyo dhiirasho la’aan. Haddii uu hadalka iyo wixii uu tirsanayey si cad u soo bandhi kari waayo, waxay taasi ku keenaysa in dadkii garta qaadayey kuu fahmaan qof aan wax weyn tirsanayn, oo wuxuu sheegay noqdaan arrin aan cuslayn. Dhinicii kaa soo horjeedayna wuxuu soo bandhigayaa dhiiranaan iyo hadalo cad oo uu ku xoojinayo gartiisa.
  3. Cadayn la’aan: marka garta hoos loogu daadago amma gunta loogu dhaco, waxa la weydiiyaa kuwa is-haya inay soo bandhigaan wixii cadayn ah ee ay haystaan. Ka dib waxa la falanqaynayaa siday cadaymuhu u kala mihiimsan yihiin. Hadaba qofkii goobta keena cadaymo lagu qanco oo xoogan ayaa helaya garta. Haddii uu keeni waayo wax cadayn ahna, waa laga gacan sarayn doonaa.
  4. In lagaa eedo: way dhacdaa in mararka qaarkood lagaa eexo, oo lagagu jiifsado. Cadaaladdaradu way ka jirtaa meel kasta, qof kastana wuu la kulmi karaa in laga eexdo, isagoo garta leh. Eexdu waxay ku xidhan tahay cid garta qaadaysa, ee qofka laga eexda kuma xidhna. Markaa haddii laga eexdo waad ku gar waayi kartaa. Laakiin qofka laga eexay, waa inaanu ka hadhin intii awoodiisa ah, oo uu soo bandhigaa eexda lagula kacay.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com