“Waxyaabaha aan doonayo inay maxkamadaha hoose ka muuqdaan waxa ka mid ah, guddoomiyeyaashu maaha inay garsoorayaal noqdaan..” Aadan Xaaji Cali

Prof.-Aadan-Xaaji-CaliHargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Ayaa dardaaran u jeediyay guddoomiyayaasha iyo garsoorayaashii dhawaan gudida cadaaladu ay soo magacaabeen, waxa uu gudoomiyahu ku waaniyay inay la yimaadaan hal abuur ay wax kaga qabanayaan goobaha kala duwan ee maxkamada.

waxa uu gudoomiyahu hadalkan ka jeediyay kulan wasiirka cadaalada iyo isagu ay la qaateen xubihii dhawaan lagacaabay iyo kuwii laysku badalay waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi,“Haddii qof meel iska yuururro isaguna wuu ku baaba’aa, had iyo jeer-na dhaqdhaqaaqu barako iyo faa’iiddo ayuu keennaa, markaa saddexda Guddoomiye ee ila fadhiya iyo kuwa kale ee Xilalkoodda la wareegi doonnaba waxaan kula dardaar-mayaa inay la yimaaddaan halabuur iyo afkaar cusub, waayo qofka marka meel loo dhiibo isagaa masuulka koowaad ah, markaa waa inaad lahaataa halabuur iyo hiigsi is-bedel oo aad doonaysid inaad gaadho, maaha inaad iska fadhido uun.

Gorsoore kastaa waa innuu halabuur la yimaaddaa, maaha inaad cid ka sugto, waxyaabaha aan doonnaayo inay Maxkamaddaha hoose ka muuqdaan waxa ka mid ah Guddoomiyeyaashu maaha inay Garsoorayaal noqdaan, innuu konton dacwadood sito maaha, waa innuu meel fadhiisto oo garsooreyaasha maamulo, oo bulshaddu wakhti u hesho inay cabasho soo gaadh-siin karraan oo garsoorka, kaaliyaha iyo shaqaalaha kaleba looga caban karro,markaa waa inay dacwaddaha uu qaadayaa yarraadaan, waa inaad ka jawaabi kartaa cabashooyinka bulshaddu.”