Waxqabadkii xukuumada Siilanyo waxaa dhabar-jabiyay Aqoon la’aanta madaxda Baanka – W/Q: Jamaal Xasan Faarax.

27/7/2010 waxay ahayd markuu madexweynaha rudcadaaga ah ee silaanyo uu xilka lawareegay isagoo wado dheer oo dhib rafaad badan u soo marey si uu dalkan curdinka ah uu isbadal xag walba ah ugu sameyn lahaa ka dhaadhicin bulshada ah markii danbe bulshada way la qaadatey in dalkan isbadal u diyaar yahay waxayna  aqlabiyad ugu codeysay isbadalkaa.

Nasiib wanaag isla markii uu xilka lawereegay wuu kadhabeyay isbadlkii waxayna xukuumadii ku guuleystey inay qabato isbadalo badan oo ka mid ah.

1. Mushaharka oo loo kordhiyay dhamaan shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo 120% la kordhiyey.

2. Lacagtii giimbaarta ahayd oo laga bedelay gobolada bariga (togdheer iyo sanaag) taas oo caqabad ku haysay dawladnimada iyo dhaqaalaha shacabka.

3. Derejooyinkii ciidamada dhamaantood  oo la bixiyey oo aad arkeysid haybadii ciidamada.

4- waxa ay laashay xukunkii nabadgalyada degdeg ahaa oo qayral dastuuri ahaa umadana ku ahaa gef iyo caga juglayn xaqdaro ah.

5- Waxa uu ku dhiiraday in uu furo madaxwayne ahmed mohamed mohamoud siilaanyo ururada siyaasadeed oo fursad wayn u ah dhalinyarada iyo dadwaynaha aan ka mid ahayn saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray, waxayna hami galisey dhalinyaro badan oo ay ku adkeyd markii hore inay soo haweystaan siyaasada dalka.

6-Waxa ay dhamaystirtay biriishka labaad ee hargeysa oo ay talada kula wareegtay isaga oo qabyo ah oo ay xukuumadii ka horeysay tahli weyday.

7. Waxay waxka qabatey shaqo la’aantii (unemployment) oo waxa la shaqaalaysiiyey in ka badan 3000 oo shaqaale ah oo ah dhalinyaradii jaamacadaha dalka kazoo baxay.

8. Waxay dib u habeyn iyo hagaajin ku sameysay dhismayaasha madaarada hargeysa, berbera  oo manta diyaarad kasta isticmaalayso lagana dhigey madaaro casri ah oo ay malintii ugu horeysay tariikhda madaarka hargisa ku soo degtey diyaarad boeing 747-400.

9-Waxa uu madaxwaynaha somaliland si hagar la’aan ugu kuur galay in uu dadka somaliland gobol iyo degmoba usoo maro si uu ugu xaaladooda nololeed iyo xaalada rasmiga ah u ogaado taaso dhabar jab ku noqotey cadawga somaliland,

10. Waxbarashadii dugsiyada hoose dhexe oo bilaash laga dhigay taaso fursad u noqotey qoysas badan oo caruurahoodii geyn kari waayey goobaha waxbarashada.

11. Waxay xukuumadu sadex laabtey misaaniyadii qaranka taasoo sandba sanadka ka danbeeya si xowli ah kor ugu kaceysay walina caalamka kamey dhicin dal misaaniyada qaranku 50% koradho, dalka ka uu ugu kordhin badan yahay dhaqaalaha caalamka waxuu dhaqaalahooda kordhaa 7%

Intaa iyo inka badan iyadoo xukuumadu qabatey ayaa waxaa caqabadku ah sarifka lacagaha qalaad taas oo ay tahli weydey inay waxka qabato, kaaso burburin kara wax qabadkeeda ayku faanto oo ah in shaqaalaha iyo ciidamada in 120% u kordhisay eg. Cidamada waxay mudhaar ahaan u qaaden jireen intaaney xukuumadan iman 300,000 oo u dhigmi jirtey 63$, iminka oo 120% loo kordhiyey waxay qaataan 696,000 oo u dhiganta 95.5$ markaad waad garan kartaa inta la kordhiyay waa 40% markaa waxba ma dhaanto intii xukuumadii ka horeysay kordhisey oo ahayd 30% markaa uu waliba maalinba maalinta ka danbeyso dolarku kor u sii socda dadaalkagu waa foosto gun la’a.

Markaa intaaney mucaaridku ka faa’daysan waxaan xukuumada u soo jeedin lahaa dad aqoon u leh bank system loo dhiibo maamulka banka waxna ka qaban kara dolarkan maalinba malinta ka danbeysa hawada sii qabanaya xukuumadina halkey wax ka noqoto sidey u maamusho siyaasada lacagta (monitory policy) markaa dalkeena kama jirto siyaasad ku saleysan habka lacagta loo maamulo waxaad arkeysaa marka dolarka kaco in madaxda banka gadhi yar oo lacag ah suuqa galiyaan intaas wax dhaafsiisan majirto oo intaa ayaa ka aqoon ah, markaa waxaan u soo jeedin lahaa madaxweynaha si aaney sumcadaada u dhaawacin madexweyne waxaan kuu soo jedin lahaa inaad dib u eegto siyaasadaada ku saabsan bank

By Jamaal Xasan Faarax

C/o: UK.