Waxqabadka Iyo Qorsheyaasha Wasaaradda Kalluumaysiga Ee Sannadkan (Q:2-aad)

?????????????

Qormadeenii hore ee wareysiga agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee todobaadkii hore waxaynu kusoo qaadanay Wasaaradda kalluumaysiga iyo hawlaha waxqabad ee ay muddooyinkii u dambeeyay ku hawllanayd hirgelintooda, mashaariic kala duwan ee la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo xeebaha dalkeena.

?????????????
?????????????

Qormadan waxaynu sidoo kale kusoo qaadan doonaa waxqabadka wasaaradda ee sannadkan ee ay wado wasaaraddu, waxaana tafaasiil inaga siin doona agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) oo hore inooga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaarad ahaan, waxaanu yidhi. “Hawlaha imika socda ee ay wasaaraddu wado waxa ka mid ah, hawlo ay iska kaashadeen wasaaradda kalluumaysiga iyo hay’adda FAO, kuwaasoo ay ka mid yihiin tabobar loo wado toban qof oo isugu jira shaqaalaha wasaaradda iyo qaar shirkadaha kalluumaysigu soo xuleen, tobankaa qof waxay baranayaan sida doonyaha loo sameeyo, tabobar saddex bilood ah ayay qaadanayaan, saddexdaa bilood ka dib markay tabobarka qaataan tijaabaa laga qaadayaa, qalabkii lagu tabobarayayna way yaalaan, waxaana qorshaha ku jirta in la sameeyo soddon doonyood oo kalluumaysatada la siin doono.

Waxa kale oo socda dibu-dhis iyo hagaajin lagu wado dekedii hore ee Berbera ee Turkigu dhisay, dekedaas oo ugu yaraan laba qarni jirtay oo aan marna la dayac-tirin ayaa markii ugu horeysay la burburinayaa oo dib loo dhisayaa.  Waxa kale oo iyaduna jirta inaanu wixii hawl ahu fududaynayno shirkadaha kalluumaysiga ee soo kordhiyay qalabka casriga ah sida qaboojiyeyaasha iyo baraf-dhaliyeyaasha.

Mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland waa laba hawlood midi waa bariga oo waxaa loogu talo-galay deegaannada Maydh, Xiis iyo Conqor in laga dhiso dekedihii yar yaraa ee ay doonyaha kalluumaysigu kusoo xidhanayeen iyo qaboojiyeyaal, laakiin hawshaasi aad bay u gaabinaysaa oo ay cago-jiid u tahay ilaa hadda qoraalkii mashruucaas waa la isla gartay, laakiin weli hawsheedii may bilaabmin, waxaanay ka gaabisay dhinaca qolada gacanta ku haysa sanduuqaas SDF.

Dhinaca galbeedka Berbera waxa jira mashruuc kale oo balaadhan oo midawga Yurub bixinayo oo ilaa saddex milyan oo doolar ah, mashruucaas qiimayntiisii ugu horeysay ayaa la sameeyay, waxaana la sugayaa oo keliya in la bilaabo.

Somalilandpost.net