“Waxeynu manta ognahey in Masuuliyiintii Ummadani Caan ku noqdeen Qaadashada & Bixinta Laaluushka, intaa kuma joogsane waxey…”

Xildhibaan QabilleILAAHEY baa mahad leh, EEBAHA inoogu deeqay nimcooyinkiisa kala duwan, ee aaney cidina koobi Karin isaga mooyaane, ALLAHA Xaqa ah eek ala garanaaya baahiyaheena kala duwan, Aduunka & Aakhiro labadaba. Intaa kadib Rasuulkeenii Suubanaa SCW waxa uu Xadiis Saxiix Ah ku yidhi “Midkiina Ma rumeeyn ALLEH, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaamaha, Qadarka Sharkiisa & Kheyrkiisaba, Ilaa uu walaalkii la jeclaado, waxa uu naftiisa la jecel yahey”.RABBINA SWT waxa uu qawlkiisa sharafka badan inoogu sheegay “ Xaqiiqo eh wax kale maahee Muuminiitu Waa Walaalo” ayaadkan sharafka badan ee ALLEH SWT inoo sheegay waxey ku fadhiyaan xigmad aan guur guur la heyn oo run ah, wax badanbuu RABBI SWT Aadamaha u cadeeyey, xaqiiqada dhabta ah ee aanu hureyn, in badan buu uga digey dhabaha sheydaanka oo ah midka khasaaruhu ugu sugan yahey, isla markaana u cadeeyey dariiqa toosan ee Hanuunka oo ah midka Liibaantu ugu jirto, Wuxuu ALLEH SWT Qur’aankiisa ku yidhi  “ Qabsada Xadhiga ILLAAHEY Dhamaantiin, Hana Kala Tagina’Rasuulkuna SCW waxa uu Yidhi “ Muuminiintu waxey isugu dhegan yihiin Sida Lebanka”  aayadan iyo xadiiskani waxey inoo tilmaamayaan Midnimada walaalnimada & kalgacalka Muuminiinta.

Waxa jira dhaqamo xun xun oo ka reeban ummada Islaamka ah, waxaana kamid ah:

  1. Xaasidnimada
  2. Isla weynaanta iyadoo dadka kalena kula yar yar yahey
  3. Istuska, Acmaasha & hadalada aanad ILAAHEY SWT Dartii u qabaneyn una Odhaneyn
  4. Is Xaqiraada, sida: Hebel Muxuu yahey, Reer Hebel Maxey yihiin iwm.

Afartaasi shey sida ay Culimada muslimiintu kutubta qaarkood ku qoreen,  waxey sheegeen in afartan la isku yidhaahdo Hooyooytnka Xumaanta (Umahaatul khabaa’is)  waxaana ka Dhasha Cudurada ku dhaca Qalbiga, (Amraadul Quluub)  sida kutubtaa Culimadu ku xuseen waxey ka hadheen markey Cudurada quluubta ku dhaca tiradoooda marinayeen 800,000 oo Cudur (Sideed boqol oo Kun oo Cudur) Sidaa Daraadeed waxa Is Weydiin Mudan Dhakhaatiirta Caalamka Bari & Galbeed ee aduunka ku sugani awood ma u leeyihiin in ay Daweeyaan Xanuunada Qalbiga ku dhaca?  Jawaabtu waa Maya ma Daweeyn karaan. Hadaba halkee daawadaa qalbiga laga deyayaa?  RABBI SWT wuxuu Ku sheegay Aayaadkiisa qiimaha badan leh”Kuwa hadii Ay falaan Xumaan, ALLEH Xusuusta, ee ILLAAHEY ka Tawbad dalba, una noqonin wixii ay faleen iyagoo garanaaya, kuwaa waxa RABBI Ku abaal mariyaa, Danbi Dhaaf uga yimid RABIGOODA, iyo Janooyin ay hoos Marayaan Wabiyaal, waana kuwa ugu Bursada Nimco Abaal Marin la isu siiyo”

Waxa kale oo RABBI SWT Qawlkiisa ku yidhi “ Qawmna ILLAAHEY Ma Qayiro Ilaa iyagoo iyagu Is Qayira Mooyaane”.

 

Waxeynu manta ognahey in Masuuliyiintii Ummadani Caan ku noqdeen Qaadashada & Bixinta Laaluushka, intaa kuma joogsane waxey ku sii faafiyeen Bulshada si ay taageero ugu helaan xukun jaceyl awgeed ( Xubul Wilaaya) Xumaantaasi waxey dhashey in Beentu Noqoto Astaanta kaliya ee Ummadani ku can baxdey, kana dhalato Tacasub, Eex, Qabyaalad, Iimaan yari, & Tafaraaruq, laguna kala qoqobayo midnimada & Isku Duubnida Bulshada.

Walaalayaal Siduu Rasuulkeenii Muxamed SCW inoo sheegay “ qofka Laaluushka Qaata & Qofka Laaluushka Bixiya Labaduba waxey Galayaan Naarta”  Inagoo Waxaa ALLEH SWT & RASUULKIISUBA ka warameen faleyna, Sidee ayey Suurto Gal u Noqoneysaa Ineynu Is Jeclaano, Midowno, Liibaan Gaadhno, Nifaaq La’aan ku Gaadhno Himilada aynu Higsaneyno, Walaal lama Filo Ilaa & Raxmada EEBE Mooyaane.

Arrimahan aan kor ku soo sheegney, waxey Joogteeyaan Isnac, Kala Durug & Colaad. Muwaadin Naftaada Ka Baadh, Ta Qoyskaaga Ka Baadh, & Bulshada Aad Ku Dhawdhawdahey.

Waxaan Qormadan ku soo Geba gebaynayaa, Muuminiintu waxey Leeyihiin Sifooyin Wanaagsan Kana mid yihiin:

  1. Waji Furnaan ( Dalaaq Al Wajhi, Laa Khataal)
  2. Deeq ( Al Juud)
  3. Dulqaad (Xulam)
  4. Amaano Dhawris
  5. Balan Ilaalin
  6. Isu Naxariisasho
  7. Dhowrsoonaan

Iyo in kale oo faro badan oo RABBI & Rasuulkiisu Tilmaameen, Sidaa Darteed Walalayaal Waxaan Nafteyda iyo Tiinaba ku Waaninayaa, ineynu ka waantoowno, waxyaabaha dibu dhaca inagu keenaya If & Aakhiro labadaba, RABBI Ha ina Waafajiyo Raalinimadiisa & Rabitaankiisaba.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeisa

Somaaliland